Thursday 21 January 2010

DR. CABDI AW DAHIR OO WARAYSI DHEER KA BIXIYEY SHIRWEYNIHII UDUB 20090207


DR. CABDI AW DAHIR OO WARAYSI DHEER KA BIXIYEY SHIRWEYNIHII UDUB

Xogahayaha arrimaha bulshada ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Dr. Cabdi Aw Daahir, ayaa weji gabax iyo quus ka muujiyay aggaasinka iyo qaabkii uu u dhacay shirweynihii 2aad ee xisbiga UDUB dhowaan ku qabsaday magaalada Hargeysa.

Dr. Cabdi Aw Daahir oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayey Wargeysa Yool, isagoo jooga magaalada Burco ee xarrunta gobolka Togdheer, waxa uu sheegay inb aan wali dunida lagu arag, lana maqal madaxweyne isagu soo xula xubnaha Golaha Dhexe, taasina ay marag-madoon u tahay heerka ay gaadhsiisan tahay aqoonta iyo kartida masuuliyiinta xisbiga iyo xukuumadda.
Sidoo kale, Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu waraysigaa kaga hadlay Xogahayaha guud ee dhowaan xisbiga UDUB loo doortay, waxaanu tafsiil ku sameeyay nuxurka qudbaddii uu madaxweyne Rayaale ka jeediyay madashii uu ka socday shirweynaha 2-aad ee xisbiga UDUB iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin khilaafka soo dhexgalay qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UDUB iyo miisaanka siyaasadeed ee ay xisbiga ku dhex lahaayeen Md. Cabdillaahi Darawal iyo xubno kale oo loo diiday inay shirka ka qaybgalaan.
Waraysigaas oo faahfaasan waxa uu u dhacay sedan:
S. Dr. Cabdi Aw Daahir waxaad ka mid ahayd aasaasayaashii xisbiga UDUB, sida aad la socoto waxa dhawaan la soo gebagebeeyay shirweynihii 2-aad ee xisbiga, kaasoo mar labaad dib loogu doortay Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa in ay noqdaan musharixiinta xisbiga uga qayb geli doonta tartanka doorashada Madaxtooyada, marka haddii aad isku soo wada duubto qaabkii abaabulka iyo sidii uu ku dhamaaday shirku bal warbixin guud naga sii?
J. Waxaan u malaynayaa inaad u jeedo inaan muuqaal guud ama isbarbar dhig ku sameeyo shirweynihii 1aad ee xisbiga UDUB lagu aasaasay oo aan goob jog ka ahaa xogogaalna u aha.
Runtii waa laba marxaladood oo aan la isbarbar dhigi Karin, haddii aynu eegno shirkii kowaad 1aad ee xisbiga lagu aasaasay, waxa uu socday marka la isku daro qabanqaabadii iyo qabsoomidiisii 3 ilaa 4 bilood, waxaana ay ahayd ujeeddada laga lahaa mid balaadhan oo wax qabad leh, xeerar iyo shuruuc leh.
Hase-yeeshe shirkan imika dhacay, waxa uu ahaa mid muraad kaliya laga lahaa oo ahaa sidii Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisu u noqon lahaayeen musharixiinta xisbiga tartanka doorashada Madaxtooyada uga qayb gala. Waa sax oo taa laftigeedu ma xuma, balse waxay uga dhacday si qaab xun, waxaanay muujisay digteetarnimo aan nooceeda waligeed la arag.
S. Markaa Dr. Cabdi Aw Daahir ma waxaad ujeeddaa haba-yaraatee kama ay muuqan wax la taaban karo oo lagaga warwaro doorashada soo socota xisbiga UDUB?
J. Anagu Burco ayaanu joognaa, balse markii aanu talafeeshinada ka daawanay, wargeysyadana ka akhrisanay, waxa laga sii daayey wax qabadkii xusbiga.
Tusaale ahaan qudbaddii Madaxweynaha haddii aad dhagaysatay ama aad akhrisatay meel qudha kaga muu hadlin arrimaha aas-aasiga, sida dhaqaalaha, xoolaha, lacagta giimbaarta ah, tahriibayaasha, darajadii ciidanka, shaqa la,aanta iyo dhibaatada kor u kaca shidaalka, taasi waxay ina tusaysaa inaan Madaxweynuhu waxba kala socon arrimaha aas-aasiga ee bulshada, haddii aad daawato talfeeshinada dunida waxaad arkaysaa Obama Madaxweynaha Maraykanka oo habeen walba bulshada kala hadlaya arrimaha dhaqaalaha. Bal u fiirso dhawaan qiimaha shidaalku dunida oo dhan ayuu ka kacay, waxaanu gaadhay 145 dollar sax bay ahayd oo way jirtay, balse iminka wuu jabay oo qiimihiisi hoos buu u degay waxaanu gaadhay 35 Dollar, ma jirto cid qudha oo ka hadashay, madaxweynuhuna kamuu hadal.
Haddaba, waxyaabahaas oo dhan waxay muujinyaan sida ay hadda tahay xaaladda xisbiga UDUB. Sidoo kale arrintii ictirtaafka ma jirto cid ka hadashay, marka laga reebo safaro meelo lagu tegtegay.
S. Haddaba, marka aad sidaa u aragto xaaladda xumuumadda iyo xisbiga UDUB ma waxay kula tahay inaanay u bannaanayn fursad marlabaad dib loogu doorto?
J. Waallaahi qaddarka Ilaahay waa meeshiisa, balse waxaan xasuustay maqal aan joornaal ka akhriyey oo sifaynayey degtaytarku marka uu heer gaadho, waxa uu yidhi ma eego dadka, xataa hadday ay daaqadaha u soo joogsadaan, haddiise aan ka waramo dareenka dadka ku dhaqan gobolka Togdheer waa isbeddel-doon.
S. Cabdi Aw Daahir, haddii sidaa aad sheegtay uu hadda yahay madaxweyne Rayaale maadaama aad in badan ka wada tirsanaydeen xukuumaddii marxuum Cigaal, markii dambena habayaraato muddaduye ka wada shaqayseen xisbiga UDUB maxaad odhan kartaa baa iska beddelay shakhsiyaddiisii ama ku soo siyaaday?
J. Shakhsiyaddiisa waa gef oo waxba kama sheegi karo, waxayna igu noqonaysa haddii aan ka hadlo shakhsiyaddiisa shakhsi weerar, balse waxaan wax ka sheegi karaa wax qabadkiisa oo aan dhaliili karaa ama ku amaani karaa. Annaguse markii horena isna Madaxweyne-ku-xigeen ayuu ahaa ana wasiir ayaan ahaa, shaqana nagamay dhaxayn, markii dambena ana xisbigaan joogay isna xukuumadda ayuu madax ka noqday, waqtigaana waan ka madaxbannaanaa, hasayeeshee qofnimadiisa maan diidin shaqadiisa ayaanu isdiidnay.
S. Sidee baad Cabdi Aw Daahir u aragtaa xubanaha ay ka mid yihiin Cabdillaahi Darawal, Ismaaciil-yare, Xil. Duur iyo Xil. Axmed Sandoon saluugga ay ka tirsadeen shirweynaha 2aad ee xisbiga UDUB.
J. Horta raggaas waxa aasaasayaashii kaga jira Cabdillaahi Darawal, xubnaha kalena waa rag in muddo ah ku jiray xisbiga waqtigii ay ku soo biireen ba. Xisbi kastana dhexdiisa muran wuu ka jiraa, laakiin weli may dhicin xisbiyada mucaaradka ah inay u diidaan kaadhadhkii shirka lagaga qaybgalayey xubno aasaasayaashii xisbigu ku jiraan, waxayse taasi ka dhacday UDUB.
S. Dr. Cabdi Aw Daahir, marka arrimahaas aad soo sheegtay oo dhan laysu geeyo guul iyo guuldarro midkee bay u tahay xibiga KULMIYE?
J. Horta laba weji baa loo kala arkaya, mid waa qaab-xumaanta xukuumadda iyo xisbiga UDUB waana guul u soo hoyatay KULMIYE oo waxa kaga lumay taageerayaal badan. Tusaale ahaan markaad eegto 161-xubnood oo Golaha Dhexe ee xisbiga UDUB ah ka kooban yahay waxa soo magaacabayey madaxweynaha, weli lama maqal lamana arag madaxweyne yidhi anigaa golaha dhexe soo magacaabaya, taasina way caddahay oo taageeradii UDUB hoos ayey u ridaysa.
S. Ugu dambeyn, Dr. Cabdi Aw Daahir, waxaad ahayd Xoghayihii ugu horreeyey ee xisbga UDUB, dhowaana waxa la doortay Xoghaye cusub marka aad eegto xaaladda lagu jiro iyo baaxadda hawlaha looga baan yahay inuu qabto ma kula tahay inuu yahay nin ka soo bixi kara?
J. Wallaahi horta anigu aqoon shaqsiyadeed uma lihi Xoghayaha cusub, doorashadii waqtiga ka hadhayna waa muddo yar, balse markaad eegto waxqabadka kuwii ka horreeyay ee xisbiga iyo xukuumaddaba haystay way adag tahay waxa uu qaban karaa. Waxanse u soo jeedinayaa madaxweynaha iyo xukuumaddiisa inay ku dedaalaan sidii ay doorasho u dhici lahayd, intaa wixii ka horreeyayna ay u diyaar-garoobaan wixii dembi ay galeen in lagala xisaabtamo, haddii doorashada laga helana xilka si fiican u wareejiyaan

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete