Thursday 21 January 2010

Khudbaddii Dr. Cabdi Aw Daahir 18May 2008- 20080518



sidoo kale waxaa uu asxaabta qaranka iyo asxaabta mucaaridka mar iyo laba ku adkeeyey adkaynta nabada intaasi kadib waxaa isna munaasibada 18 may ee 2008 ka hadlay Xubin ka mida guddiga gulinta xusbiga kulmiye DR. Cabdi Aw Daahir, waxaana ka mid ahaa haladiisii Dr. Cabdi Awdaahir (Xubin Guddiga Fulinta ee Kulmiye)

“Somaliland Ha Noolaato, Somaliland Ha Noolaato, Xagayaga waxaa jooga Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo oo kal madii munaasibka ahayd ee xisbiga odhanaaya.

Anigu wax badan baan isku taagay oo dhakhtarkii Burco-ana waan ahay kal madayda gaar kahan waan odhan doona kal madda xisbiga kulmiye waxaa odhan doona isha Allah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, maanta uma wada hadlaynoo sidii Xisbiga UDUB iyo Kulmiye ee waxaynu u hadlaynaa maanta arin qaran weeye, waa 18 May halkan waxaynu kaga hadalnaa waa talo qaran iyo talada dalka, waxaan jeclahay in aan taariikhdii la soo maray wax yar ka idhaahdo, 1960-kii waxaa jiray halgan gobanimo doona oo qiima badan waxaynu la dagaalanay gumaystihii waxaynu u hal-gamayney in aynu 1960-kii xoriyada helno, halgankaasi waxaa uu ahaa mid hablihii iyo ragii ka sheeqayay qiimo badan, hase yeeshee cuntada aad cunto mar marka qaar koodo qaar baa cudur keena, arinkaas gobanimo doonku wuxuu keenay cudur laba waji u qayb sama marka aan laba u qaybiyo midi waxay ahayd 1960-1969-kii waxaynu ka qaadnay xanuun Cancer-kaasi 1960-1969 dawladii aynu ku darsanay waxay ahayd mid maamulkii inaga qadisay, MaddaxWeynihii, Maddax Weyni ku xigeenkii, Ra’iisal Wasaarihii, Wassiirkii Daakhliga, Wassiirkii khaarajiga, taliyayaashi ciidamada dhamaan wixii oo dhan ay yidhaahdeen anagaa leh taasi waxay ahayd Cancer galay lugaha laakinse maddaxa muu gaadhin.

Cancer-kii labaad wuxuu ahaa 1969-1991, cancer-kaasina wuxuu kii Max’ed Siyaad Bare abuuray, ee isna ahaa xasuuqa ee Cancer-kii ilaa madaxa ina gaadhsiiyey, halgankii SNM oo bilaabay halaheeda ilaa 1980-1991, koob iyo tobankaa sano ayaa waxaa Cancer-kii dawaynaanay oo jaamacad dhakhtarnimo Cancer lagu daaweeyoo soo bartay waxay ahayd SNM oo ku qaadatay 11-sano, markii danbe waa la qalay Cancer-kii kaasi oo ay inagu beer Afweyne iyo reer koonfureedku halkee lagu qalay, cusbitaalkii lagu qalay wuxuu ahaa burco Cancer-kaasi cidii qashayna waxay ahayd SNM way gooyeen Cancer-kii, hase ahaate anaga ayaa dhakhaatiire marka la gooyo Cancer-ka mudo ayuu xanuun yeeshaa yara fidaa kaarbuu yeeshaa 1991-1995 Cancer kii la gooyey kaarkiisiiba jiray, dhibtiisiibaa jiray daaweyntiisiibaa jirtay lixdaas sanana waxay ahayd daawyintii Cancer-ka.

Lixdii bilood ee ugu danbeyey waa 1996 taariikh cusub ayay ahayd waa markii Caner-kii la daawyey, yaa daweeyey? Reer burcaa daweeyey taariikhdaasi waxay ahayd taariikhdii ka bilaab matay Gaashaamo, Caynabo, Baadhi Dhayey, Duruqsi, Ceel Xume ee Beer ku dhaamatay waxay ahayd haddii taariikhda la qiimeeyo ee tii halgankii soo qaadano ee tii Cancer-kii soo qaadano, cidii goyso soo qaadano, rafaadkiisii soo qaadano, waxaa kiciyey lixaas shire taariikhda qorani ee gobolka Togdheer waa taas,had iyo goor isa siin mayno ee way jireen meelo badan oo la shaqaynayay, shirkii Hargaysaa jira hawlo ay guurtidu qabataa jira odayaal badan oo ka qaybqaataa jira balse asalka.

Xaqiiqda marka la sheego dawladii ugu horaysay waxaa la dhisay 1997-kii dawladii aanu ku jirnay ayay ahayd, waxaa la yidhaahdaa dawladii ugu qiimaha badanyad ee ka dhalatay Somaliland, anaa ku jiray Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo ayaa ku jiray, Geesbaa ku jiray waxanay ahayd dawladii ugu aqoonta badneyd uguna tayada fiicneyd waxaanu ahayn Afar dhakhtar, todoba (professor) dhawr (Economist) waxaa nagu jiray xaga ciidamada oo isagu xaga kale nagaba fiicaanba nabad sugida Cali Waran Cade inta yada kale oo dhanba ka fiicanaa. Qoladaasina waxay ahayd kuwii dhisay ee aas aasay xusbiyada, dastuurka dalka, doorashooyinka diyaariyey, maamulka fidiyey, xataa doorashadii dhacay lacagtooda waxaa sii diyaariyey Alle ha u naxariistee Marxuunkii
Max’ed X Ibraahim Cigaale maddax weyne Daahir Riyaale’na waa fuliyey, Mr. Cabdi Aw Daahir waxa uu hadalkiisu ku soo gabab gabeeyey isaga oo la hadlaya xukumada iyo shacabka reer Somaliland sid tan “Waxaanu maanta leenahay maalin dhawaytoole hadaad waxooga yar oo buuqa maqlayseen, waar shanta bilood iyo lixda bilood ee hadhay udubka, Dhigta iyo Loolka yaanu xar inaga cunine anaaga saari doona cawska iyo kabadee inoo haya, waxaa kale oo aanu leenahay qoladani haynoo sii haysoo qalfoofkaa anaguna isha allah haddii illaahay nagu guuleeyo waxaanu saari doona cawsaska iyo kabada, waxaa kale oo xusid mudan in mujaahidiintii dhimatay faataxada loo maro in yarna la yara aamusno.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete