Friday 12 February 2010

Adeegii Isgaadhsiinta Shariikadda African Online Somaliland Oo Isticmaali Jirtay Furaha Maraykan Oo Gebi Ahaanba Hawada Ka Baxay Kuna Wareegay Marayka


Adeegii Isgaadhsiinta Shariikadda African Online Somaliland Oo Isticmaali Jirtay Furaha Maraykan Oo Gebi Ahaanba Hawada Ka Baxay Kuna Wareegay Maraykanka

Hargeysa (Golisnews.com)-11/02/2010- Gebi ahaanba khadkii is gaadhsiinta ee shariikadda African Online Telecommunication oo ay iska leeyahiin ganacsato reer Somaliland ah oo isticmaasha furaha dal ku galka maraykanka (141) isla markaana adeegeeda ay isticmaalaan dad ku dhaw 50,000 oo qof isla markaana haysata %35 adeega khadadka guryaha ee caasimadda Hargeysa ayaa gebi ahaanba caawa khadkaasi wuxuu ku wareegay dalka maraykanka iyadoo aan la garanaynin sababta.

Shariikadani oo adeegeeda ay aad ugu bogeen dadka qurbe jooga ah oo badanka si jaban ama bilaash ah kula soo xidhiidha eheladooda ku sugan dalkii Somaliland ayaa muddo dheer wuxuu ahaa khadkaasi mid si sahlan oo fudud iskugu xidhaayey dadka reer somaliland ee ku kala baahay dalalka dibadda iyo eheladooda dalkii ku sugan.

Caawa ayaa khadkaasi wuxuu si toos ah ugu dhacaya shariikadda khadka isgaadhsiinta ee dalka maraykanka ee loo yaqaano (USA Switchboard Directory) isagoo marka danbana kuu gudbinaya khadka isgaadhsiinta ee shariikadda AT&T oo iska leh badiba khadadka telefoonada ee dalka maraykanka.

Lama garan karo ciladani inay ka timid in shariikadaha isgaadhsiinta ee maraykanku ay xanibeen khadkii ay shariikadda African Online isticmaalaysay iyo in ay tahay cilad kale oo ku timid shariikadda, mar aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintani shariikadda ayaa masuul ka tirsani wuxuu noo sheegay in qallab baahiye ah oo loo adeegsan jiray qayb ka mid ah shariikaddu uu fadhiistay "waxaa naga ciladaysan gebi ahaanba baahiyahii qaadayey numberada 29 ka bilaabma, waxaanu hadda gacanta ku hayna inaanu rakibno qallabkii cusba ee lagu bedelaayey insha allahuna adeegii shariikaddu sideedii ayuu ku soo laabanaya" ayuu yidhi sarkaalkaasi aanu kula xidhiidhnay khadka isgaadhsiintu -dhammaad-
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa
Golisnews, Hargeysa
info@golisnews.com

No comments:

Post a Comment