Sunday 21 February 2010

komishanka doorashooyinka iyo togdheer


Komishanka Doorashooyinka Oo Gobolka Togdheer Dib Ugu Soo Laabtay Kana Bilaabay Hawlihii Ay Wadeen.

Burco(Ramaas) Feb.21, 2010 - Weftigii Komashinka Doorashooyinka Qaranka ee uu hogaminayay guddoomiye ku xigeenka komashinka ee ku hawlanaa dhisida guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer dagmo ee saddexda gobol ee Bariga Somaliland ayaa soo dhameeyay hawlii shaqo ee ay ka wadeen labada gobol ee Sanaag iyo Soo, kuna soo laabtay gobolka togdheer. taas oo ay hadda faraha ku hayaan dhismaha xubnihii gobolkan Togdheer.
Weftigu waxay shalay u baxeen xagga Oodwayne oo ay soo dhisayaan xubnaheedii, waxana laga yaabaa in ay gobolka inta u hadhay dhamaystiraan ilaa maanta, iyada oo ay u hadhsan yihiin magaalo madaxda Burco iyo degmada Buhoodle.
Hawshan dhisida komashinka doorashada ee gobolada ee laga bilaabay gobolada bariga oo ilaa iminka si wacan u socota ayaa asxaabta mucaaradkuna ay dhinacooda siinayaan gacan wacan. Saddexda guddoomiye gobol ee asxaabta Qaranka oo aan wax ka waydiinay, sida ay u arkaan shaqada komishanka ayaa mid waliba dhinaciisa tilmaamay in ay illaa iminka hawluhu sii wacan u socdaan.
Gudoomiyaha xisbiga UCID Cismaan Ibraahin Nuur (Cismaan Afgaab) ayaa yidhi: illaa imika waxa ay wataan hawshooda mana aragno wax khalada wixii saxana waanu ku garab taagannahay hawsha gobolkana intii badnayd way u hadhay oo waxa hadhay Burco iyo Buhoodle ayuu yidhi Cismaan Afgaab.
Sahal Aadan Maxamed gudoomiyaha KULMIYE ee gobolka oo isna aan dhiniciisa wax ka waydiinay ayaa yidhi: komashinku waxa ay wali ku guddo jiraan hawshoodii wayna wacan tahay oo ma aragno wax khalada waxana ay soo dhameyeen labadii gobol ee bariga, halkana shalay waxa ay dhiseen xubnihii Oodwayne, waxana hadhay Burco iyo Buhoodle annaguna dhinacayaga annaga oo dhawrayna heshiiskii lixda qodob ahaa waxa aanu komashinka ula shaqaynaynaa si bilaa turxaana oo taxder leh. ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Sahal.
Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka Ayaanle Cismaan Ibraahin oo aanu dhinaciisa wax ka waydinay ayaa si kooban noogu sheegay in komashinku illaa imika hawshooda ay si hufan u wataan, isla markaana aanay jirin wax khalad ah oo u muuqdaa. Sidaa awgeedna ay is garabtaagayaan hawlahooda shaqo, inkastoo aanu la xidhiidhnay qaar ka mid ah Xubnaha Komishanka Qaranka ee ku sugan magaalada Burco ee hawlahan wada si aanu wax uga waydiino hase yeeshee way ka gaabsadeen in ay ka bixiyaan wax faah-faahin ah.

Ramaasnews Desk
Burao

No comments:

Post a Comment