Monday 8 February 2010

Zaylici Iyo Wafdi Uu Horkcayo Oo Soo Kormeerey Abaaraha Galbeedka S.Land Iyo GarboDadar Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey 20100208

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Zaylici Iyo Wafdi Uu Horkcayo Oo Soo Kormeerey Abaaraha Galbeedka S.Land Iyo GarboDadar Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey
Garbo-Dadar (SNN)Murashaxa madaxwayne Ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Eng:C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo wafdi heersare ah oo uu hogaaminayay oo kormeer dhinaca abaaraha ah ku soo maray deegaanno ku yaal Bariga Gobolada Salal iyo Awdal ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Garbo-Dadar ee xarunta degmada GarboDadar.


wafdigan oo tuulooyin iyo degmooyin kala duwan soo maray ayaa markii uu soo gaadhey magaalada Garbo-Dadar lagala hortagey ciyaaro, mashrcarad ay dadwaynaha reer Garbo-Dadar ku cabirayeen farxaddooda ku aaddan xisbiga Kulmiye oo ay sheegeen inuu ka damqaday dhibaatada abaareed ee deegaannadooda ku habsatay.

Waftigaas ayaa waxa hoggaaminayey, Eng:C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, waxaana ka mid ahaa wasiirkii Hore ee Kalluumaysiga SomaliLand Axmed Xuseen Oomane. Prof. Ismail mu’min Aare, Xil:Abiibakar C/raxmaan good,. iyo garab haween iyo dhalinyaro iskugu jira oo ka tirsan taageerayaasha xibiga Kulmiye, iyada oo uu wafdigu guud ahaanba ka koobnaa 12 siyaasi.




Eng. Saylici oo xafladdii soo dhawaynta ee Garbo- Dadar ka Hadley ayaa sheegey inay xisbi ahaan ka damqanayaan dhibaatooyinka abaareed ee ku habsaday deegaanno badan oo ka mid ah Somli Land, islamarkaana waxa uu Saylici dhaliilay waxqabadka xukuumadda Somali Land oo uu sheegey iney ka gaabisey kaalinteedii looga fadhiyey ee ku aaddaneyd abaaraha.

Sidoo kale Saylici ayaa sheegey inuu xisbiga Kulmiye ahamiyad wayn siini doono arrimaha horumarka iyo caddaaladda, dedaal badanna ku bixin doono wax ka qabashada baahiyaha taagan haddii uu ku guuleysto hoggaanka Somali Land


Xasan Ciise
Salalnews Boorama

No comments:

Post a Comment