Wednesday 17 February 2010

Madaxwayne Rayaale Oo Labada Shirgudoon Ee Baarlamaanka Qoraal Kaga Dalbaday Qoondaynta Laba Xubnood Oo Ku Lug Dara Wafti Maraykanka Laga Casuumay








Madaxwayne Rayaale Oo Labada Shirgudoon Ee Baarlamaanka Qoraal Kaga Dalbaday Qoondaynta Laba Xubnood Oo Ku Lug Dara Wafti Maraykanka Laga Casuumay

Ilo wareedyo u dhuun daloola marti qaadka la sheegay in dawlada Maraykanku ay u soo fidisay SL ayaa

Hargeysa,(GNS) – Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa labada shirgudoon ee labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada qoraal rasmiya oo uu shalay u kala qoray kaga dalbaday laba xubnood oo ku lug dari doona wafti ka socda xukuumada Somaliland oo ay dawlada Maraykanku marti qaad rasmiya u fidisay, kagana codsaday in gudoomiyayaashoodu ay laba xubnood oo ka mid ah labadooda shirgudoon soo gudbiyaan.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay madaxtooyada iyo labada shirgudoon ee labada aqal ee Baarlamaanka, hase yeeshee ilo xogagaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyey in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu maalintii shalay qoraal rasmiya oo uu u soo kala qoray labada shirgudoon ugu sheegay inay soo diyaariyaan labadii gudoomiye ee shirgudoonkooda uga matali lahaa wafti ka socda Somaliland oo marti qaad rasmiya ay u fidisay dawlada Maraykanku, iyadoo tibaaxuhuna sheegeen in madaxweynuhu qoraaladiisaasi ku soo kala socodsiiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi ( Ciro) iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan Gaal).

Si rasmiya looma oga in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ka mid noqon doono waftiga marti qaadka rasmiga ah ugu kicitimi doona dalka Maraykanka iyo inuu ka hadhi doono toona, waxayse tibaaxuhu noo sheegeen in waftiga xukuumada ka ambabixidoona ay ka mid noqon doonaan xubno ka tirsan golaha wasiiradu.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi C/casiis Maxamed Samaale ayaa iyagu wakhtigan xaadirka ah dalalka Yurub socdaal shaqo ugu maqan, iyadoo xiligana uu ku simaha gudoomiyaha wakiilada uu sii hayo gudoomiye ku xigeenka labaad Baashe Maxamed Faarax, ilaa hadana ma cada in gudoomiye ku xigeenka labaad waftigaasi lagu marti qaaday dalka Maraykanka uu sii raaci doono iyo in Guddoomiyuhu ka mid noqon doono, hase yeeshee shirgudoonka golaha guurtida aya iyagu dhamaantood wakhtigan xaadirka ah dalka ku sugan lamana oga in gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan waftigaasi xukuumada uu isagu ku sii lug dari doono iyo in labadiisa gudoomiye ku xigeen mid ahaani uu raaci doono.

Ilo wareedyo u dhuun daloola marti qaadka la sheegay in dawlada Maraykanku ay u soo fidisay xukuumada Somaliland oo ay weheliyaan laba xubnood oo ka tirsan labada shirgudoon ee labada aqal ee baarlamaanka Somaliland ayaa la filayaa in dabayaaqada bishan February 2010-ka ay u kicitimaan dalkaasi Maraykanka.

Haafuf

No comments:

Post a Comment