Tuesday 16 February 2010

Netanyahu on somaliland

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun. Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaaya in raisal wasaaraha dawlada Israel Netanyahu uu danaynaayo aqoonsiga Somaliland , Isla markaana uu arrinkaasu noqday arrin aad loogu baahiyay iclaanka ku soo baxa afka soomaaliga, noqodeyna ajande aad loogu hadalhayo goobaha iyo mafaariishda lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadaha’
Hadda ba warar goor dhaweyd na soo gaadhaya ayaa sheegaayaa in madaxweyne Rayaale uu si deg-deg ah qasriga madaxtooyada isugu yeedhay shan xubnood oo muhiim ah oo ka mid ah golihiisa wasiirada. Si arrimaha looga wada tashado. Weli ilaa hadaa lama oga nuxurka siday arrinkaas oo culeyskiisa leh u wajahayaan iyo wax go,aan oo ka soo baxay.
Dadka qaar waxay sheegayaan in dawladu ka heshaya nuqul qoraal ah oo farriin ah oo arrinkas ku saabsan Israel, walaw aan tafaasiishiisa la hayn. Dad badan oo kale na waxay leyihiin kulanku wuxuu aadan yahay oo keliya arrinka la xidhiidha iclaanka oo ay doonayaan in layska wareysto. Talogalna meel laysla sii dhigo kolba waxa arrinkaas ka soo wajaha. Wixii kolba aanu war ka helo waan idinla socodsiineynaa

No comments:

Post a Comment