Friday 12 February 2010

waanu faroglineynaa guurtida ''UDUB''


Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa sheegay in Xisbigooda iyo Xukuumadduba ay farogelin doonaan Golaha Guurtida, isla markaana waxay reer Galbeedka ku eedeeyeen in uu Somaliland soo geliyay Dimuqraadiyad aanu dalka waxba ku tarin.

Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa dawladaha reer Galbeedka ku edeeyay in ay dalka soo geliyeen Dimuqraadiyad aanay waxba ku tarayn. “Waxa ina jebiyay niman reer Galbeed la yihaahdo oo Dimuqraadiyad sanka inaga soo geliyay, waxna aan inagu tarin. Waxaynu nahay dad tallaabadeeniina ka tagay, tu kalena gaadhi kari la’. Waayo, waxaynu lahayn Dimuqraadiyad dhaqan ah.” ayuu yidhi Muj. Cali-Gurey oo u waramay Telefishanka HCTV.

Afhayeenka UDUB wuxuu sheegay in ay si cad u farogelin doonaan Golaha Guurtida Somaliland oo Shirguddoonkoodu sheegay in ay xal u waayeen khilaaf ka dhaxeeyay, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay khilaafka Golahaas. “Golahan caado uma ahayn in uu is-khilaafo, faa’iido badan ayaynu Golahaas ku qabnay oo markaynu is-af-garan wayno Siyaasad ahaan ayay ina dhex geli jireen oo ay soo af-jari jireen. Nimankan (Guurtida) Mucaaradku u tiriyaan in ay Jeebka ugu jiraan Madaxweyne Rayaale, waxay ahaayeen nimankii xalliyay khilaafkii u dambeeyay.” Ayuu yidhi Afhayeenku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Anagu markii hore farha waanu ka laabanay oo iyaga (Guurtida) ayaanu u daynay arrimahooda, laakiin imika gacmahayagu laabnaan maayaan anaga oo arkayna in Golaha lagu baabi’inayo talo uu Mucaaradku leeyahay, farogelintayaduna imikay bilaabmaysaa.” Waxaanu Guddoomiyaha Guurtida ugu baaqay in uu is-casilo.

Afhayeenka UDUB wuxuu baaq u jeediyay Madaxweyne Rayaale. “Madaxweynahana waxaanu leenahay ha daawan in Goluhu hortaada ku burburo, sababtoo ah fartii la qaadaba waxa la leeyahay Golaha Lacag baa la siiyay. Siday Mucaaradku u farogelinayaan, ayaanu anaguna u farogelinaynaa Golaha Guurtida.” Ayuu yidhi Cali Guray.

Shirguddoonka Golaha Guurtida ayaa hore u shaaciyay in ay dhexdooda ka heshiin kari waayeen khilaaf u dhaxeeyay, isla markaana waxay arrintaa xallinteeda dib ugu soo celiyeen Mudanayaasha Golahaas, iyaga oo u magacaabay arrintaa Guddi.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com






Somaliland.Org HomeArchivesSomalilandAbout usContact usCalendar ^^© 2008 Somaliland.Org

No comments:

Post a Comment