Thursday 18 February 2010

UDUB oo lagu mudaaharaaday


Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo Madaxa Ololaha Doorashada ee Xisbigaas Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi) oo maanta ku soo laabtay Hargeysa, ka dib markii ay socdaal ku soo mareen gobollada dalka qaarkood, ayaa weji-gabax kala kulmay xaafado ka mid ah Magaalada Hargeysa.
Xoghayaha guud JJaamac Yaasiin iyo Madaxa Ololaha UDUB oo dhawaanahanba socdaal ku marayay qaar ak mid ah Gobollada dalka, gaar ahaan bariga, ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa, kuwaas oo inkasta oo dadweyne iyo Gaadiid kale isugu soo baxeen soo-dhawayntooda, haddana waxay mucaaradad iyo weedho ka dhan ah kala kulmen qaar ak mid ah Xaafadaha magaalada Hargeysa.

Weftiga Jaamac Yaasiin oo lagaga hortegay Tuulada Halleeya ee bariga Hargeysa, ayaa markii uu soo galay geesta bari ee magaalada waxa uu la kulmay dadweyne tiro badan oo ka horjeeda Siyaasaddooda, isla markaana kula kacay weedho ka dhan ah Ololahooda iyo guud ahaan siyaasaddoodaba. “Doonni mayno UDUB iyo siyaasaddeedaba, waa la nacay UDUB..” iyo ereyo la mid ah ayay dadweynuhu kala hortageen Xisbigaas.

Soo-dhawaynta Weftigan Xoghayaha guud ee UDUB ayaa waxa hadheeyay kelmadaha iyo dhawaaqa lagaga horjeedo Siyaasaddooda iyo guud ahaan Xisbigaas, waxaanay dadweynuhu kor u hayeen Kabahooda.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadweynihii isugu soo baxay badhtamaha magaalada Hargeysa gubay Calanka UDUB, waxaanay halkaa kaga dhawaaqayeen ereyo ay ku muujinayaan siday uga horjeedaan Xisbigaas.

No comments:

Post a Comment