Friday 12 February 2010

Rachel chandler waa hooyo waayeel ah sii daaya iyada iyo odeygeeda


wax kastaba ahaadoo walaalayaasha soomaaliyeed ee jooga goobta lagu haysto labada duqeytida ingiriiska ee lamaanaha( Xaradheere) ee leh culimo, waxgarad, salaadiin, cuqaal, abwaaniin, hooyooyin , dhallinyaro iyo innamada gacanta ku haya. waxaan qabaa in aydaan dhagax aheyn. waxaan filayaa in aaney baahi lacagi hadda idin heyn oo maraakiibtii lacagteedii waa heysataan. walaw niman muraad leh aad tihiin . haddana waxaan isleeyahay dadka halkaa jooga laba arrinba kama maqna. aadaminim iyo soomaalinnimo midna idinkama maqna. Mageyno wey dhaafeen. waxaaba idin dileysa isha soomaalida ee markey arkaanba ooyeysa. waar nacalaba idinkuma yaale iska sii daaya . waar xaradheerow maxaad leedahay. waar na furta. waar dad ooyaa maanu idinku jirin. waar hooyo calool jilicsane maanu idinku jirin. iska sii daaya walaalalayaa. ilmadeerayaal iyo abtiyaal.

No comments:

Post a Comment