Friday 26 February 2010

salaadiinta habaryoonis oo ku shiraaya maydh


Salaadiinta Iyo Madaxdhaqameedyada Ku Shiraya Magaalada Maydh Oo Sheegay Inay Ka Arinsanayaan Arimo Daakhili Ah

“Anagu Ma Kala Nihin Mucaarid Iyo Muxaafid Bulshada Sadexda Xisbi Ku Kala Jirtana Suldaano Ayaanu U Wada Nahay, Saldanadina…..”

Suldaanka Guud Ee Beelaha H/Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani

Hargeysa, February 25,2010 (Haatuf) – Suldaanka guud ee beelaha H/yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo hogaaminaya Salaadiinta iyo cuqaasha beelahaasi ee u kicitimay magaalada Maydh ee gobolka Sanaag, ayaa sheegay in ujeedada safarkooda aanu ku salaysnayn arimo siyaasadeed, isagoo intaa ku daray in madaxdhaqameedyadooda ku sugan gobolka Sanaag ay ku qabsanayaan magaalada Maydh shir ay kaga arinsanayaan arimo daakhili ah oo beeshooda u gaar ah.

Suldaanka guud ee beelaha H/yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo hogaaminaya toboneeyo suldaan iyo cuqaal tiro badan oo beelahaasi ka soo jeeda isagana kala yimid gobolada dalka iyo deegaanada balaadhan ee beeshaasi kala dagto oo aanu xalay khadka telefoonka wax kaga waydiinay ujeedada safarkooda gobolka Sanaag iyo shirka la sheegay inay ku qabsanayaan magaalada Maydh oo la tuhun sanyahay inuu arimo siyaasadeed dabada ku hayo.

Suldaanka guud ee beelaha H/yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo khadka telefoonka Haatuf ugu waramay isagoo ku sugan magaalada Maydh ayaa hadalkiisii ku bilaabay “Runtii socdaalkayaga gobolka Sanaag aanu ku joogno salaadiintayada iyo guud ahaanba madaxdhaqameedyadayada beelaha H/yoonis wax siyaasad ah shaqo kuma laha, waxaanay ujeedadiisu la xidhiidhaa arimo u khaasa beesha gudaheeda oo u badan is xog-waraysi iyo isbarasho la xidhiidha madaxdhaqameedyadayada, waxaana nooga sii horeeyey salaadiin iyo cuqaasha kale ee beesha anagoo todoba suldaan ahina maalintii shalay ayaanu si rasmiya u soo gaadhnay”.

S: Waxa la sheegayaa in madaxdhaqameedyadiina beelaha H/yoonis aydin magaalada Maydh ku qabsanaysaan shir ku saabsan mawqifka siyaasadeed ee beelaha talo hayeenka dhaqan u tihiin, arimahaasi maxaad ka leedahay ?

J: Runtii magaalada Maydh oo ay ku sugan yihiin salaadiintii iyo cuqaashii beeshuba wax siyaasad ah oo lagaga hadlayaa ma jiro, shirka aanu ku qabanaynaana waa mid lagaga wada hadlayo arimo daakhili iyo faamli ah oo u khaasa danaha beesha, waxa kale oo lagaga wada hadli doonaa is xog-waraysi iyo is barasho madaxdhaqameedyada beesha ku saabsan.

S: Xubnahan salaadiinta ah ee aad hogaaminayso waxa laydin ku tirayaa salaadiin aan xaga mucaaridka u janjeedhin, balse ku dhaw dhaw xaga xukuumada arimahaasi maxaad ka leedahay ?

J: Waxaan kuu sheegayaa anagu ma kala lihin salaadiin mucaarid iyo muxaafid kala ah, waxaanu nahay salaadiintii iyo madaxdhaqameedyadii beelaha H/yoonis, saldanadina xisbi siyaasadeed ma gasho, sadexda xisbina dhexbaanu u nahay bulshada ku kala jirta axsaabtana dhamaantood salaadiin baanu u nahay, halkana kuma hayno shir siyaasadeede waxaanu ku haynaa shir dhaqan oo faamli khuseeya.

S: Ma noo sheegi kartaa mudada uu qaadan doono kulankiina Maydh idiinka furmi doona, socdaalkiinu-se ma waxa uu ku eegyahay magaalada Maydh iyo gobolka Sanaag ?

J: Runtii waxaanu Ilaahay ka rajaynaynaa inuu kulankayagaasi qaato mudo 5 maalmood ah, wixii nuxur ah ee ka soo baxa kulankayagaa dhaqana waanu soo bandhigi doonaa, socdaalkayaguna magaalada Maydh ayuu ku eegyahay, waxaanuse bulshada reer Somaliland guud ahaan u sheegaynaa ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku kala dhaqan in kulankayagaasi yahay mid ku kooban arimo faamli.

Dhinaca kale waxa ka mid ah salaadiinta Maydh ku shirsan oo dhamaantood ka soo jeeda beelaha H/yoonis:

1. Suldaan Maxamed Suldaan Xasan SuldaanXirsi

2. Suldaan Rashiid Suldan Cali Suldaan Ducaale

3. Suldaan Yuusuf Xiir

4. Suldaan C/raxmaan Cawil

5. Suldaan Aadan Yuusuf Sulcayn

6. Suldaan Nuur Faarax

7. Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdale.

--------------------------------------------------------------------------------

No comments:

Post a Comment