Friday 26 February 2010

Roob lexaad leh oo ka da'ay Hargeysa


Roob xoogan oo galabta ka da'ay magaalada Hargaysa iyo nawaaxigeeda
Written by Qarannews
Feb 26, 2010 at 09:40 AM


Hargaysa,(Qaran News)- Roob laxaadleh ayaa maanta galinkii danbe ka da'ay magaalada Hargaysa iyo nawaaxigeeda, roobkani oo mudo saacad iyo badh ah da'aayay ayaa wali xiligani sii tiixaaya aanu warkani idiin soo gudbinayno.

Roobkani oo wali da'aaya ayaan la saadaalin karin xili uu qaadi doono, iyada oo dhamaan cirka oo dhami ay daruuuro aad u madoobi ay dul hoganaayaan dhamaan gobolka Hargaysa, roobabka ayaa hore uga da'ay deeganaada kala gadisan ee gobolka Hargaysa, dhanka hawd , Bari, Galbeed ee gobolka Hargaysa iyo gobolada Saaxil iyo Gabiilay iyo Awdal oo ay ka da'een roobab laxaadlehi, iyo sidoo kale qaybo ka mid ah gobolka Sanaag, siiba dhanka buuralayda gobolkaasi oo ay mudooyin isku xiga ay ka da'een roobab isdaba jooga ahi

Roobabkani galabta ka da'ay gobolka Hargaysa ayaa isna ka curtay goobo badan oo ka mid ah gobolka Togdheer, siiba magaalada Burco, oo uu iyana galabta ka curtay roobkaasi, oo uu hada uun tiixiisu bilaabmay.

Wararka roobka waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararkeena danbe.



Qarannews

Next>

No comments:

Post a Comment