Monday 22 February 2010

shir kulmiye ku qabtay manchester


SHIR XUSBIGA KULMIYE KU QABTAY MAGAALADA MANCHESTER EE U.K.

SHIR XUSBIGA KULMIYE KU QABTAY MAGAALADA MANCHESTER EE U.K.

Shir kulmiyey dhamaan taageera-yaasha jaaliyada reer somaliland ee xusbiga kulmiye maalintii shalay oo ay ahayd taariikhdu 20/o2/2010, kana kala yimi dalka maraykanka, canada, london, birstol, sheffield, leister, birmingham, manchester, liverpool, iyo meelo kale oo badan, kana soo qayb galeen dad aad u tiro badani, kuna saabsanaa siddii loo taageeri lahaa xusbiga dhinaca dhaqaalaha, si weyna loo soo agaasimay isaga oo uu qanban qaaba-deeda lahaa cabdi jamac yuusuf oo ah nin reer manchester ahi, baa si wacan looga dooday qaabkii loo samayn lahaa dhaqaale, iyaka oo ay ka hadleen madax aad u culculus oo ka tirsanaa xusbiga meelo dhaadheer-na ka soo kicitimay, sida osman saxardiid, axmed samaale, ikraan x. daa’uud, cabdiraxmaan cabdiqaadir, cabdi aw dhaahir,maxamed cumar, abdirisaaq sh. ibraahim kooshin cawil cadami, ibraahim dhaadheere oo ahaa xildhi-baan reer somaliland ah, iyo rag badan oo aan la soo koobi karini, waxa kal oo maanta la xusayey 2o/02/1982gii markii kooxddii la magac baxday ufo, lagu xidhxidhay caasimada somaliland ee hargaysa, oo laga joogo 28 sano, kuwaas oo uu ka bilaabmay dhadha-qaaqii wadaniga ahaa ee uu ka dhashay S.N.M.

* ka dib markii la akhriyey aaayado quraan ah, waxa hadalkii furay ibraahim sheekh xuseen oo ah xoghayaha guud eexusbiga kulmiye ee U.K , isaga oo u mahada naqay dadka isugu yimi madashan oo uu ku sheegay tiraddii ugu badnayd ee uu la kulmo intii uu shir arkaayey, , weliba si guud mar ah u taabtaabtay hawlaha looga baahan yahay xusbiga iyo waxa ay ku saabsan tahay xafladani.

* Xoghayaha 2baad ee xusbiga kulmiye mudane cabdiraxmaan cabdilqaadir , baa isna ka waramay xaala-diisa caafimaad, wuxu xusbiga kulmiye u taagan yahay in ay tahay ururinta umada reer somaliland iyo wax ka qabashda baahi-deena marka la soo gaabiyo, sheegayna in la kaco oo uu qurba joogo ka ciyaaro kaalin muhiim ah, wuxu ku soo gabaga-beeyey waa in aynu bad-baadinaa dalka iyo dadka, haddii kale sida aynu u aragno ba indha-heena oo shan ah uu far-yaro bidixi uga bixi doonaa, wuxu xusay idaacada raadyoow hargaysa oo ilaa intii uu maamul-kani jiray la ina lahaa berito baa la hagaajinayaa, meesha ay marayso dimuqraa-diyadu oo iayna jar ka dhacday, iska xidh bilaa maxakamad, hadana iska soo daa, waxa lagu haysto lama sheego, wax lagugu waana lama yidhaaho,, abaaraha, iyo biyo la’aanta ka taagan, hantida umada oo lagula dagaalamo mucaaridka, isaga oo si weyn ugu nuux-nuuxsaday waxa looga baahan yahay haddii aan nahay buu yidhi kulmiye.

* Cabdi yuusuf ( kuruu) oo ah qaban qaabi-yaha shirka oo isna sheegay, kana war bixiyey faa’iidooyinka shirkan iyo waxa loogu talo galay, isaga oo ay la socdaan dalin cadaan ah oo dugsiyda somaliland raba in ay ka taageeraan xaga qalabka iyo wax barashada oo uu yidhi waxay bixiyeen $12:000 kun oo doolar oo ay tira-doodu ahayd ilaa lix, iyaka oo muujiyey cadaan-kaas dhalinta ahi waxa ay tahay ujeeda-doodu.

* Cabdirisaq sh ibraahim oo isna ka war bixiyey wax qaba-shaddii ufo, yidhina in la xuso baa aynu u baahanahay, hakaasna ka tiriyey gabayo iyo heeso loogu tala galay.

*Osmaan saxardiid cadaani oo ah xidhiidhi-yaha xusbiga kulmiye ee qurba jooga oo, oo isna ka hadalay sida la isugu duba-riaayo dhalinteena taageersan xusbiga, loona abuuri lahaa raggii qaadi lahaa ololaha doorshda , iyada oo laga samayey canada, maraykanka, imikana aanu wadno buu yidhi tii U.K, iyo yurub, olala-haas oo dhinac walba ah, waxa ugu wacan in loo sheego umadeena sida aynu rabno in aan ku kasbano kalsooni-dooda ee maaha in aan iska fadhino.

* M.cumar oo ah af-hayeenka xusbiga amuuraha debeda oo yidhi intiisii caadiga u hayd, ee ahayd dawladu way ku guulaysan wayday siyaasaddii arimaha debeda ee ku saabsanayd dalka U.S.A oo uu weji jabax kaga dhacay MR donnald paye, laakiin-se kulmiye uu soo nooleeyey, eedo badana u xambaariyey xukuumada, waxa ka mid ahaa erayada uu ku dhawaaqay Madax-weyne riyaale wuxu u qaataa mushahaaro $ 62:000 kun laakiin uma baahna mujaahid axmed siilaanyo.

* Dr cabdi aw daahir baa isna sheegay in si weyn looga qayb qaato siddii loo xaqiijin lahaa in aan dhisano maamul toos ah oo kii aynu rabnay ah, wuxu yidhi kuli-geen saddexda xusbiba waa wada somaliland, riyaale, siilaanyo, iyo faysal intuba waxa ay ku kala duwan yihiin ma jiraan, laakiin waxay ku kala baxeen wadadii loo raaci la haa in aynu horumar gaadhno, taas oo ay dawladu raacday dhabo aan faa’iido ugu jirin umada iyo dalka, oo ay ku soogan tahay xoolo urursi, waxa qabasho la’aan.iyo aanu iska sii joogno, taasina inoo dan maaha ee ku darsada xisaabta.

*Cawil cadami oo isna ka waramay markii uu ahaa gudoomiyihii komishanka qaranka ee hore , markii uu ku soo baxay riyaale madax-nimada, iyo sida uu u arko, wax-yaabaha lagu bedelay, iyo halka ay maanta marayso.

* Axmed samaale oo ah ku xigeenka golaha xildhi-baanada oo isna soo qaatay aayado ka hadlaaya keliggii tali-yihii la odhan jiray fircoon si dadban-na aad moodayso in uu uga hadlaayo riyaale, laakiin aan mar qudha carabka ku dhufan magaca madax-weynaha, waxa ka mid ahaa haddii aynu akhrino qu’raanka dad ba isu qaadan in iyaka laga hadlaayo,laakiin inaku waxa aynu sheegaynaa wixii uu ina faray ilaahay.

* Ugu dambayn waxa hadalkii qaadatay xildhi-baanad ka tirsan somaliland oo magaceeda la yidhaaho MRS Ikraan x. daa’uud oo si weyn u guubaabisay haween aad u tiro badan oo ku tidhi sameeya siddii lidankii la sheegi jiray oo dahabkiina iibiya, si an u smayno is bedelka aan doonayno.

* Waxa ugu dambeeyey hees aad u agaasiman oo ka hadlaysay in kulmiye uu yahay xusbiga hanan kara somaliland ee inaga saari kara dhibta inagu habsatay, heestaas oo ay qaada-yeen koox fanaanii ahi, oo kuwo ka mid ahi reer maanchester yihiin sida abwaan king khalid, iyo heesaaga axmed dhagax oo ah nin dhalin yar oo aad u cod macaan, halkaasna waxa ku xidhmay xafladdii kulmiye ugu qiimaha badanayd ee qurbe looga sameeyo intii uu jiray xusbigu.

* N.B Bal aan eegno uurasataye waxay umuli doonto.
Abdi-shotaly, manchester.U.k.
Oodweynenews.com

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraan

No comments:

Post a Comment