Tuesday 16 February 2010

Mullah Baradar oo la qabtay

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa




War Deg Deg Ah: Sirdoonka Pakistan Oo Shaaciyey Inay Gacanta Ku Dhigeen Abaandulahii Ciidamadda Talibanka

Karachi-Pakistan (Golisnews.com)-- Ciidamadda sirdoonka pakistan ee loo yaqaano I.S.O oo ay iskaashanayaan kuwa maraykanka ee CIA-da ayaa shaaca ka qaaday in ay shallay gacanta ku dhigeen abaandulahii ciidamadda talibanka Mullah Cabdiqani Baradar sidaasina waxaa shaacisay wakaaladda wararka ee dalka pakistan Paknews.

hawlgalkani oo ay qaadeen ciidamadda loo yaqaano Rangerska ee pakistanta ayaa wuxuu u dhacay qaab sir ah iyadoo ay ka qabteen abaandulahani magaalo madaxda labaad ee dalka Pakistan ee Karachi, afhayeen u hadlay xukuumadda Pakistan ayaa u sheegay warbaahinta in ay su'aalo ku weydiinayaan xarun ay ciidamaddu leeyahiin iyaga iyo sirdoonka maraykanku.

Dawladda maraykanka ayaa ku tilmaantay qabashada Mullah Cabdiqani Baradar guushii ugu weynayd ee ay ka gaadheen ilaa iyo intii uu bilaabmay dagaalka afghanistanu9 sannadood ka hor oo ayey ku tilmaameen uu gacantooda soo gallay abaandulahii ciidamadda dalka Afghanistan.

Weli si cad shaaca loogama tilmaamo muujinaya qabashada sarkaalkani wax war ahina kama soo bixin dhinaca iyo Talibanka.

Wixii warar ah ee ku soo biira arrintani kala soco Golisnews.com

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Golisnews Information Centre
London, UK.
info@golisnews.com


No comments:

Post a Comment