Tuesday 23 February 2010

warsaxaafadeed uu qabtay jug soo-dhacay


Jug-soo-dhacay oo ku Hanjabay in Xilka Laga Qaadi Doono Madaxda Gobollada iyo Degmooyinka Dalka ee Fulin Waaya Awaamiirta Xukuumadda iyo UDUB

Xoghayuhu waxa uu sidaa ka sheegay shir-jaraa’id oo shalay si wadajir ah ugu qabteen isaga iyo Guddoomiyaha Ololaha

Xoghayaha Guud iyo Guddoomiyaha Ololaha UDUB oo warbaahintii ugu hanjabay in ciddii weydiisa su’aal aanay raalli ka ahayn ay shirka ka saari doonaan


Hargeysa (GNS)- Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax (Jug-soo-dhacay), ayaa ku hanjabay inay guddoomiyeyaasha masuulyiinta gobollada iyo degmooyinka dalka xilalka ka qaadi doonaan haddii aanay u hoggaansamin awaamiirta xukuumadda xisbiga UDUB iyo inay barnaamijyada u fuliyaan hadba sida loo faro.

Xoghayuhu waxa uu sidaa ka sheegay shir-jaraa’id oo shalay si wadajir ah ugu qabteen isaga iyo Guddoomiyaha Ololaha xisbiga UDUB Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi), kaasoo ay kaga hadleen ujeeddooyinkii socdaalkooda gobollada dalka, iyagoo sheegay in wixii ay kala soo kulmeen u gudbiyeen Madaxweynaha, qabanqaabada wax-ka-qabashadana ku jiraan.

“Waxa aannu la shirnay maamullada gobollada iyo degmooyinku siday u shaqeeyaan, waxay u qabteen bulshada, waxyaabaha ka dhiman ee u baahan inay u soo gudbiyaan wasaarradahoodii si aannu Madaxweynaha ugu gudbino, annaga oo leh waxaad meesha u joogtaan inaad fuliyaan awaamiirta xukuumadda iyo xisbiga UDUB ee ku aadan adeegga bulshada, waxaanna weeye sida la idiin ku cayimay hawlahaa inaad u fuliyaan idinka oo daacadnimo u fulinaya iyo wixii barnaamij la idiin dhiibay, daacadnimo ay u yihiin bulshada, xukuumadda iyo xisbiga xukuumaddu ka soo jeedo ee talada u igmaday ee UDUB, waananu isku afgaranay gobolkasta oo aannu maraynay in nimankaasi xilkooda u gutaan si hufan oo daacad ah u fushadaan, waananu u sheegnay in bulshadu waxay ka soo sheegto ee tabasho ahi noqo doonto waxaan dhegaha laga furaysan doonin.

Ninkii masuuliyaddiisa caynkaas ah ee ummadda loogu dhiibay ka soo bixi waayey inuu noqon doono cid kaga habboon oo ku filan hawshaa iyo masuuliyada, umanaanu qarin waxannu nidhi rabitaanka shacabkaa leh, rabitaanka xukuumaddana iyagaa ah, shacabku waa inuu gacanta sare lahaadaa oo codka ka soo yeedha ayaa noqonaya ka dhabta ah ee wax la idiinku qabto.

Su’aal: Waxa jirtay xus dhowaan loo sameeyey xoghayihii hore ee geeriyooday marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale, xuskaas oo uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ka caddeeyey in agoontii uu ku tegay marxuumku ilaa waqtigan loo haysto dayntii uu UDUB u galay, Madaxweynuhuna kaga baxay ballanqaadii uu u sameeyey. Markaa ka xoghaye ahaan, maxaad ku aaminaysaa xisbiga UDUB, maadaama xukuumaddii ka xishoon weyday inay agoonta ka bixiyaan dayntii lagu lahaa intaanad gaadhin waxqabad aad u qabato shacabka?

Haseyeeshee, Xoghayaha Guud iyo Guddoomiyaha Ololaha xisbiga UDUB oo ku margaday, aadna uga gubtay weydiintaas, ayaa ka gaabsaday inay wax jawaab ah ka bixiyaan su’aashaas, isla markaana warbaahintii ugu hanjabay in ciddii weydiisa su’aal aanay raalli ka ahayn inay shirka ka saari doonaan.

No comments:

Post a Comment