Thursday 25 February 2010

madaxweyne kuxigeenka somaliland iyo xaaladiisa cafimaad


Weraysi dhinacyo Badan Taabanaya Oo Aanu La Yeelanay Safiirka Somaliland U Fadhiya Ireland C/fataax Siciid Axmed Oo Hadda Isaga Iyo Wasiiro Kale M/weyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yaasiin Booqasho Kula Jooga Paris



Paris (Golisnews.com)-- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ireland ahna xidhiidhiyaha jaaliyadaha Somaliland ee qaaradda Yurub Mudane C/fataax Siciid Axmed ayaa goor dhawayd aanu kula xidhiidhnay khadka telefoonka gacanta isagoo ku sugan hadda caasimadda dalka Faransiiska ee Paris oo uu ku biiray wufuud kala duwan oo todobaadyadii ugu danbeeyeyba ku sugna magaalada Paris oo uu gadh hayeen ka yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadda xaalad caafimaad u jooga magaalada Paris

ugu horayn C/fataax oo aanu weydiinay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu noogu jawaabay "xaaladiisu aad ayey u wanaagsantahay, waxaana Paris xallaytoole kusoo booqday Madaxweyne ku xigeenka aniga iyo wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo cayaaraha Mudane Cabdi Yuusuf Aadan oo aanu London iska soo raacnay, waxaananu halkani joogi doona haddii alla idmo ilaa maalinta jimcaha, horana waxaa usii joogay wefdi kale oo uu hogaaminaayey wasiirka xannaanada xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi iyo Wasiir ku xigeenkii caafimaadka Md. Mahdi Cismaan Buuri oo anaguna aanu ku soo biiray" ayuu yidhi Cabdifataax

C/fataax su'aasha kale ee aan ku weydiinaya waxay tahay waxaan dhawaan ku geeriyooday magaalada Paris safiirkii Somaliland u fadhiyey Paris ahaana siyaasi weyn oo Somaliland xilal badan ka soo qabtay rabi ha u naxariistee Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe miyaa la magacaabay bedelkiisii wuxuu safiirku ku jawaabay"haa waa la magacaabay oo waxaa loo magacaabay Cali Daahir Qalinleh oo imika ah safiirka Somaliland ee dalka faransiiska iyo ku xigeenkiisa oo loo magacaabay Maxamed Cabdi, runtiina aad iyo aad ayey noo soo dhaweeyeen una soo dhaweeyeen wefdiyadaasi ka yimid Somaliland iyo anaga oo ingiriiska ka nimid, si wanaagsan ayaanay u hagayaan ila imika hawlaha wefdiyada Somaliland" ayuu yidhi C/fataax.

C/fataax ka sokow xaaladda caafimaad ee Madaxweyne ku xigeenka waxaa jira warar aanu helayno oo sheegaya in safarka Madaxweyne ku xigeenku u u kujoogo faransiisku ay tahay sidii heshiisyo qarsoodi ah ay xukuumaddu ula soo geli lahayd shariikad lagu magacaabo Ballore Group oo la wareegaysa gacan ku haynta dekedda Berbera arrintaasi ma jirta "runta ayaan ku sheegaya waxba kama jiraan, wax alla iyo wax ka jira habayaraate ma jirto, waa warar dacaayad ah oo raqiis ah oo ku tidhi ku teen ah oo cadawga somaliland dibadda la wareegayo, Madaxweyne ku xigeenku siduu isaguba u sheegay safarkiisu wuxuu ku saabsana xaalad caafimaad iyo inuu ka war hayo qurbe jooga reer Somaliland ee dibadda ku dhaqan siduu isaguba hore u sheegay, arrintaasina wax alla iyo wax ka jira ma jirto" ayuu yidhi Ambassador C/fataax

Safiir waxaad iiga waranta dad badani waxay isweydiinayaan Madaxweyne ku xigeenka oo gobolka Saaxil ka soo jeeda inuu Paris joogo maxaa sababay in wefdiga kale ee uu hogaaminaayo wasiirka xannaanada xoolaha Dr. Idiris Ibrahim oo isaguna ka soo jeeda gobolkaasi uu uga daba yimaado Madaxweyne ku xigeenka haddii aanay arrin weyni meesha oolin "qosol... waxaa jira horta wasiirku wuxuu maraya waddamo badan oo yurub ku yaalla sababta uu u yimidna waa hawlo shaqo oo uu qaranka u hayo, runtii dee way isku hagaageen uun eh maaha wax loo nisbayn karo oo la odhan karo madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka xannaanada xoolahu waa isku gobol eh maxaa isku keenay, masuul kasta oo xil u haya qarranku wuxuu dastuurku dhigaya inuu hawshiisa u tagi karo meel kasta, markaa taasi ayuunba wasiirka keentay paris, madaxweyne ku xigeenkuna dee hawsha caafimaad ayuu u yimid" ayuu ku jawaabay Ambassador C/fataax Safiirka Somaliland u fadhiya Ireland.

Su'aasha ugu danbaysa ee aan ku weydiinaya waxay tahay Madaxweyne ku xigeenku markuu hawshiisa caafimaad dhamaysto ma dalkii ayuu dib ugu noqonaya mise dalal kale oo yurub ah ayuu maraya, haddiise aad carabowdo kuwee ka mid ah dalalkaasi, wuxuuna kaga jawaabay Ambassador C/fataax "kollay qorshahiisa koobaad wuxuu ahaa inuu horta faransiiska yimaado, haddii wakhtigu u saamaxana inuu waddamo kale oo yurub ah maro waa suurtagal" ayuu yidhi c/fataax siciid axmed safiirka Somaliland u fadhiya jamhuuriyadda Ireland ahna xidhiidhiyaha jaaliyadaha Somaliland ee dalalka yurub.

Weraysigani waxaa khadka telefoonka ku qaaday
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Golisnews, London Information Centre
info@golisnews.com





WARAR KALE

No comments:

Post a Comment