Thursday 18 February 2010

xaabsade oo ku dhaartay inuu ku biiraayo shirka garadada sool


Laascaanood(Saraarnews) Axmed Cabdi Xaabsade oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee kasoo jeeda Gobolka Sool ayaa nidar ku maray haddii la bedeli waayo taliyaha illaalada milatariga ee maxaabiista ku xidhan xabsiga laascaanood oo waliba laga soo bedeli waayo magaaalada laascaanood inuu ku biirayo shirka garaadada Reer Sool ee kasoo hor jeeda Somaliland.

Arintan ayaa la sheegay inay ka dhalatay kadib markii todobaadkii hore uu taliyaha xabsigu ka hor joogsaday Axmed Cabdi Xaabsade iyo Wasiirka Cadaalada Axmed Cali Casoowe oo isku dayay inay si gaara xabsiga ugu booqdaan taliyihii sirdoonka C/tafaax Muuse Yuusuf oo isagu qirtay in loo adeegsaday dilkii taliyihii qaybta 12-aad Cismaan Yuusuf Nuur.

Talaabadan taliyaha illaalada xabsigu kaga hor joogsaday Xaabsade iyo Wasiirka Cadaalada waxaa ka dhashay muran sababay in xilka laga qaado taliyaha xabsiga, murankaas oo ayaa la sheegay inuu keeni gaadhay gacan ka hadal.

No comments:

Post a Comment