Friday 12 February 2010

Sagaal jir Somali ah oo sita boorso jaad

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa




Sagaal jir Somali ah oo sita boorso jaad ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliska dalka Norway gaar ahaan kuwa ka howl gala garoonka diyaaradaha Rygge stanset ee deegaanka Moss oo wax yar u jirta caasimada Oslo.
Wiilkan yar ayaa waxaa la socday nin da`aadiisa lagu qiyaasay sodomeeyo oo isna Somali ah, mana cada wali waxa ay isku yihiin.

Boorsada wiilka ayaa marki ay boolisku fureen waxa ay ka heleen 19-kiilo oo jaad ah, iyadoona diyaaradii ay la socdeen labaduba oo aheyd Ryanair kana timid dhankaas iyo magaalada London ee cariga Ingriiska.

Sarkaal u hadlay booliska oo lagu magacaabo Trond Puck oo saxaafada dalka Norway (NTB) la hadlay ayaa sheegay in ay sii daayeen ninkii wiilka la socday, iyagoona u dhiibay ganaax gaaraya sideed kun oo kroner (8000).

Wiilka sagaal jirka ah ayuu sheegay in uusan ilaa iminka ogeyn waxa laga yeelayo, iyo in dabagal lagu sameyn doono.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa ay booliska dalka Norway garoomada ku qabteen jaad, kaasoo ah mid mamnuuc ka ah dalka Norway.

IFTINNEWS.NORWAY

ABDIRISAQ

No comments:

Post a Comment