Thursday 11 February 2010

waa in Rayaale xil ka laga qaadaa, hadii salebaan la yidhaahdo xilkaa lagaa qaadayaa '' Faysal''

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa





Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay Haddii Saleebaan Gaal La Rido In Madaxweyne Rayaale-Na Maamuus Ka Xayuubin Lagu Samayn Doono Iskuna Xidhan Yihiin Labadoodu

“Anaga Saleebaan Nagama Tirsana Ee Waa Nin UDUB Ah Sh. Axmed Sh. Nuux-Na Bilaash Baa Loo Soo Celiyey, Inuu Iska Tago Ayey Ahayd”

“UDUB Iyo KULMIYE-Na Waxaanu Leenahay Ummadani Muran Uma Baahna, Madaxweynahana Nacayb Uma Haynee Toos Baanu Leenahay”

Faysal Cali Waraabe

Hargeysa,February 11, 2010 (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay hadii gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan gaal) kursiga laga tuuro in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahina maamuus ka xayuubin lagu samayn doono (Impeachment) tilmaamayna in labadoodu ay isku xidhan yihiin oo aanay kala hadhi doonin.

Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu sheegay in iscasilaadii dhawaan ay galaha guurtidu ka diideen gudoomiye ku xigeenka koowaad sh. Axmed Sh. Nuux Fure ay ahayd mid khaldan oo uu tilmaamay inay haboonayd in laga aqbalo oo uu iska tago isagoo dhinaca kalena xisbiyada UDUB iyo KULMIYE ugu baaqay inay dalka ka joojiyaan in muran siyaasadeed ay wakhtigan xaadirka ah dalka ku soo celiyaan.

Guddoomiyaha UCID Eng: Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaasi ku sheegay mar aanu xalay khadka telefoonka uu wargeyska Haatuf xogwaraysi khaasa aanu kula yeelanay isagoo jooga caasimada dalka Finland ee Helsinki isagoo mudo dhawr bilood ahna socdaal ugu maqnaa dalalka Yurub waraysigaasi oo uu sidoo kale kaga hadlay arimo ku saabsan doorashooyin iyo marxalada uu wakhtigan xaadirka ah dalku marayo iyo shirgudoonka guurtida ee ku guuldaraystay xalinta khilaafkoodii sharci, ayaa waxa uu dhacay waraysigaa iyo jawaabihii uu ka bixiyey sidan:

S: Koomishanka doorashooyinku waxay sheegeen in natiijada diwaangalinta codbixiyayaasha lagu soo saari karo mudo sadex bilood ah, mudaynta doorashaduna ay ku xidhan tahay kala shaandhaynta iyo marka liis sax ah oo codbixayaasha la soo saaro ay mudayn doonaan arimahaas sideed u aragtaa ?

J: Hadii hawsha doorashada loo dhaqaaqo hawl wadeenada gobalada iyo dagmooyinka iyo agabka la keenayo waxaan qabaa in 90 cisho aanay ka badnaanayn doorashadu.

S: Shirgudoonkii guurtidu khilaafkoodi sharci way ku guuldaraysteen xalintiisii arintaasi sideed u aragtaa ?

J: Madaxtooyada ayaa wada oo ka danbaysa khilaafkaasi, Sh. Axmed Sh. Nuux iyo ku xigeenkiisu ku simayaal bay ahayeen awood umay lahayn kala badalaada sharciguna waxa uu sheegayaa inuu kala badali karo gudoomiyihu wax shirgudoon la yidhaa sharcigu ma sheegayo, gudoomiyaa jira sh. Axmed Sh. Nuux wuu rabaa inay heshiiyaan waase laga danbeeyaa isaga iyo qolooyinka la figrada ahba.

S: Maxaad ku cadaynaysaa in madaxtooyadu ka danbayso khilaafka shirgudoonka guurtidu xalisan kari laayihiin?

J: Waxaan ku cadaynayaa markii uu yidhi Saleebaan waar labadii gudiba aan iska dayno oo mid aynu u dhanahay oo joogtada wada jir u samayno labada ku xigeen baa diiday arinkaasi.

S: Xildhibaanadu waxay ku doodayaan hadii ay heshiin waayaan shirgudoonku in sadexdooduba is casilaan arinkaasi siduu kuula muuqdaa?
J: Qofkii doonayaa ha tago Sh. Axmed maalintii uu is casilay waxay ahayd in layska daayo marka la eego awoodiisa lala wadaagayo inuu sheekhu iska nastay ahayd bilaashbaana loo soo celiyey,go’aan qaadashadaa inagu yar ninbaa is casilay markaasay yidhaahdeen waxaan u footaynay inaanu is casilin.

S: Axsaabtiina mucaaridka laftooda ayey xukuumadu idinku eedaysaa in gudoomiye Saleebaan aad ka danbaysaan taasi ma jirtaa ?

J: Anaga Saleebaan nagama tirsana UDUB wuu ka tisan yahay wakhtigan looma baahna in qas siyasadeed in dalka la galiyo hadaynu ka soo baxnay, dadka murankaasi wadaana waa wax ma tarayaasha dadka gaajada ku abuuray.

S: Saleebaan mudooyinkan danbe fikirkiisii UDUB waxa lagu tilmaama inuu is badalay oo aanu ka tirsanayn oo shirwaynihii xisbiga UDUB-ba ergadii ka qayb galayaasha laguma darin maxaa keenay inaad tidhaa waa UDUB ?

J: Anaga UDUB-buu Saleebaan noo xisaabsan yahay, golaha badanoodu waa UDUB, Sh. Axmed Sh, Nuux waa UDUB maalintii ay dhexdhexaadinayeen ee doorashadii shirgudoonka golaha wakiilada ee laysku hayey waa kii sh. Axmed Sh. Nuux yidhi 21 baanu ahaynoo kii 22 tanaadna waxa uu noqday UDUB, hogaanka iyo goluhuba waa UDUB

S: Waxa lagu tilmaama in loolanka siyaasada dalka ay si wayn iskugu hayaan UDUB iyo KULMIYE arintaas maxaad ka leedahay ?

J: anagu UDUB iyo KULMIYE-ba waxanu leenahay ummadani muran uma baahna, waxaa loo baahan yahay in ummada loo shaqeeyo oo tartan doorasho xalaala lagu tartamo, guurtiduna waa xaaraan inay muranto iyo inay cid gaara u shaqayso.

S: Mudadii madaxweyne Rayaale qalinka ku wada duugteen heshiiskii 6-da qodob ee doorashada laga gaadhay waxaad isku adeegsataan weedho kulkulul arimahaasi miyaanay saamayn ku yeelan Karin qabsoomida doorashooyinka iyo shacabkaba ?

J: Ilaa inta uu madaxweynuhu dalka si guracan u wado waxaanu leenahay toos oo dalka u shaqee ee wax kale iskuma hayno, wax necbaansho ah oo naga dhexeeyaana ma jiro waxaanu leenahay dadbaad u dhaaratay inaad madaxweyne daacada u noqonayso daacadnimadii kaama muuqato ayaanu leenahay.

S: Hadii xildhibaanada guurtidu ay damcaan inay badalaan shirgudoonka ay iyagu doorteen miyaanay xaq u lahayn inay badalaan xubnahooda shirgudoonku hadii ay khilaafkooda xalin waayeen ?

J: Qofkii iscasila ee shaqayn waaya hayska tago waxa la doonayaa in Saleebaan la badalo, mana dhacayso taasi Saleebaan iyo madaxweynuhuna way isku xidhan yihiin hadii Saleebaan la badalo waa in madaxweynahana maamuus ka xayuubin (Impeachment) lagu qaadaa oo ay is raacaan labadooduba.

--------------------------------------------------------------------------------

--------------------------------------------------------------------------------

No comments:

Post a Comment