Wednesday 10 February 2010

Gudida Doorashooyinka Somaliland oo warbixisay

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.




Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Doorashada Somaliland ayaa maanta ka warbixiyay halkay u marayaan hawlaha diyaar-garowga Doorashadu.

Afhayeenka Guddidan Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in ay qaateen shaqaale cusub oo ilaa dhawr iyo toban qof.

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in ay dalka yimaadeen khuburadii kala-shaandhaynta agabka kaydinta Liiska cod-bixiyayaasha Doorashada, waxaanu sheegay in ay hawshaa bilaabeen, isla markaana ay qaadan doonto muddo saddex bilood ah. “Khuburadaasi dalka way yimaadeen, hawshana way bilaabeen, isla markaana waxay noo sheegeen inay muddo saddex bilood ah qaadan doonto hawshaasi.” Ayuu yidhi Mr. Geelle.

Waxa kale oo uu sheegay in dalka lagu soo celiyay xogtii Diiwaangelinta oo hore loogu qaaday dalka Kenya, magaalada Nairobi, taas oo uu tilmaamay inay hadda gacanta ku hayaan. “Xogtaas waanu haynaa, waxaana naloo soo gudbiyay iyaga oo ay goob-joog ka yihiin Axsaabtu.” Ayuu yidhi Afhayeenku.

Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay Afhayeenku waxa ka mid ahayd; arrinta ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee Diiwaangelinta, taas oo uu sheegay in ay si waadix ah u shaacin doonaan oo ay Bulshada u gudbin doonaan. Waxaanu intaa ku daray in ay maanta u amba-baxayaan gobollada dalka, si ay u soo dhisaan guddidii gobollada ee Doorashada.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments:

Post a Comment