Tuesday 9 February 2010

Dubbe iyo Doolaal By A. Geeljire

By A. Geeljire

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Maanta kamaradahii filimka duubi jiray baan u baahnay.

Doolaal: maxaad ku falaysaa?

Dubbe: waxyaabaha Laandta ka dhaca ayaan ka duubi lahaa dabadeed Hollywood baan u iib geen lahaa caalamka qosol ha ka dhamaadee anna aan ka taajiree.

Doolaal: Oo ma inakaa gaalada isku waxba ku qosolna. Maxaase lagu qoslaa ee aad duubi lahayd?

Dubbe: waxaan duubi lahaa; todobaadkan oo qudha waxaan arkay. Waxaan arkay saaxiibkay Cali Guray oo Madaxtooyadii laga horjoogsaday oo xusuustay dadkuu u soo xerogalay waxay yihiin. waxaan arkay Guurtidii oo wada qadaysay oo hadana garan la’a waxay u wadda qadaynayaan iyo waxay ku heshiis yihiin toona. Waxaan arkay Salaadiin iyo odayo Ina Rayaale u baryaya agoontii Ina Bullaale ka dhintay. Hadda waa ninkii aabahood dawda ka bixin waayay. Waxaase ugu qosol badnaa Xaaji Cabdi oo Saleebaan iyo Siillaanyo kala garan waayey.

Doolaal: Siduu u kala garan waayey?

Dubbe: wuxuu ku kala garan waayey waa ninka Saleebaan ku yidhi “kursiga Guuritida aamin oo kan Madaxtooyada ee aad raadinayso iska daa.” Markaan taa maqlay baan Xaajiga u tegey. Waxaan sii qaatay sawir badan oo rag siyaasiin, ganacsato aqoonyahano ah oo cid walba lehi ay leeyihiin. Intii Habar Jeclada ayaan gooni u soocay oo ku horraysiiyay. Xaajigii baan Sawirkii Axmed Siilaanyo tusay. Markiiba wuu gartay oo wuxuu yidhi “Dee awow waa Axmed Siiraanyo.”

Kii saleebaan baan tusay. Sidaa intuu u yar eegay buu yidhi. Markan adeer gadh cad buu la baxay. Oo fartana yuu u ruxayaa tolow. Waa axmed Siiraanyo.

Kii Ina Kaahin baan tusay. Wuxuu yidhi. “adeer markaa dhabanda ayuu ka yar naaxsanyahay. Waa siiraanyo.”

Kii Jibiiqe ayaan tusay. Sidaa intuu isaga fogeeyay oo cabbaar eegay ayuu yidhi. “adeer markani waa markuu jabhadda joogay oo cadceedu ku dhacday ee yar madoobayday. Waxoogaa cirro ahna waa leeyahay. Waa Axmed siiraanyo. Waar ninku muxuu sawir iska qaaday.”

Kii Axmed Farax Xarbi baan tusay. “oo berigani waa markuu dhallinyara ahaa.” Buu yidhi.

Kii Axmed Duqsi(ahn) ayaan tusay. “waa beriguu Iglan joogay. Waa axmed siirraanyo.”buu yidhi.

Kii Dahabshiil. “adeer markan sidii askartuu u xiirtaye. Waa Axmed Siirraanyo.”

Kii Indhadeero oo adhi dhex taagan (AHN) “kani waa markuu wasiiirka Qorshaynta ahaa. Waa Axmed Siilaanyo.”

Kii Ashafaqe “markan wuu yar dhididsan yahay inuu afka qaad ku hayana waad moodaaye. Waa Axmed Siiraanyo.”

Kii Hadraawi “markan timo weyn oo coof ah iyo shaarabahii Koosafaare ayuu leeyahay. Waa Axmed Siiraanyo.

Kii Cali Xuunsho. “adeer markan qosol buu u dhacsan yahay oo indhihiina waa isku qabtay. Waa Axmed Siirraanyo. Maalinba cayn buu u egyahay.”

Kii Xinnif “Oo markan ... u kaadi. Waxan ma fanax baa mise ilik baa ka dhacay. Markan fanax buu leeyahay. Waa Axmed Siirraanyo.”

Kii Aadan Waqaf “ninkan halkaan ku arkay. Nin maalin dhoweyd qolo Ciidagale ah oo halkan iigu timi la socday buu u egyahaye. Maya maya. Waa Axmed Siirraanyo.

Markuu mid walba axmed Siilaanyo ku sheegay ayaan garay inay beeshoo dhami Axmed Siilaanyo ula egtahay markaasaan kuwii dadka kale soo saaray(la soco qaybta labaad)

Doolaal:Xaajiga meel hadh leh ayaad sawirrada ku tustay ee inaad cadceedda ku tustaa bay ahayd.

Dubbe:waxa kale oo isna maaam iigu yimi ninkii Bullaale (AHN). Wuxuun baan maqlay anigoo hurda qof “Haye haye haye haye uu qosol ku jiro) mise waa bullaale. Waa isa salaane. Bal warran baan idhi. Wuxuu yidhi maanta waxa isoo kiciyay niman tolkay ah oo duco ii soo diray isla markaa inay agoontaydi wax taraanna niyadda ku haya. Horta raggaa waan u mahad naqayaa laakiin farrintan iga gaadhsii.

Farriini waa qaane waa tan:

“Tolka iga dambeeyee

Weli dunida joogow

Dar ilaah farriintaad

Ii soo dirteen iyo

Ducadiini waan helay

Anna waan ku diirsaday

Halkan daarta Aakhiro

Doog baanu joognaa

Dunidiyo dhibkeedii

Daayin nooga ray oo

Daalkeedii reebnoo

Derajaanu leenahay

Dawladdii Rayaaliyo

Beentuu daldali jiray

Daaqadaanu taagnayn

Dulligii na soo maray

Ilaah naga dulqaadyoo

Dembi dhaaf nasiiyoo

Durdurrada Fardawsiyo

Janadaan dabaashaa

Malab baan durduurtaa

Dacar iyo xanuun iyo

Halkan Daaf ma yaalloo

Cudurkii wax dila iyo

Kama baqanno Durigii

Haddaan kuugu sii daro

Duq haddaan ahaan jiray

Duud soo qalloociyo

Daab aan lahaan jiray

Dib baa lay sameeyoo

Da’ yartaan ka kow ahay

Doob toosan baan ahay

Dig digtayda socodkana

Dhulku wuu dayaamaa

Dersin Xuuralcaynoo

Daymada u roonbaan

Daar kula caweeyaa

Illayn dawsar baan ee

Kama daalo hawshoo

Darleef wuu ka dheeryahay

Deriskayga jaarkuna

Doorroonow Rasuulkii

Wixii nebi la soo diray

Diricyadii shahiidiyo

Dadkii khayrka weeyaan



Midna waa dardaarane

Dembigana yaraystoo

Diintii rasuulkiyo

Dariiqeedii raacoo

Digrigii Ilaahay

Carrabkiinu yuu dayn



Midna waa dabuub aan

Odayada dadaalee

Agoontii u doodiyo

Duqaydii aan leeyahay

Daah idinma saarnoo

Dadka waa taqaaniin

Derbi inaad u baridaan

Ama dirri salaaxdaan

Dundumada u yedhaan

Dawarsiga ku badisaan

Waxa uga dan leediin

Dulucdiina maan garan

Ninkaa Daahir leediin

in uu dafo xaqoodoo

dhaco duunyadooda

Daayaco ha joogtee

Agoonuu daryeeloo

Diihaasha haysiyo

Darayada ka biiyo

U ducaysa lama arag

Hadalkiyo digniintii

Baaqaa dirayseen

Waxa uga dan leediin

Dulucdiina maan garan

Ninka aniga oo dagan

Oo cudur i daashay

Dhakhtar lay dulgeeyiyo

Dabiib lay cabsiiyiyo

Dawadii hor joogsaday

Ee diiday kharshkii

Doodaan u leediin

Waxa uga dan leediin

Dulucdeeda maan garan



Mid kalaan ku darayaa

Oo iga dardaaranna

Duqa reer Jabuutow

Dig ninkii ku soo yidhi

Degelkaan banneeyee

Jugta loogu darayow

Dayaankiisi Aakhiro

Ninku dalow iilkiyo

Dalluun noogu yimow

Dad aqoona maad tihid

Dal aqoona maad tihid

Deelqaafku ceeb iyo

Doqoniimo weeyee

Adeer lama dar jiidhee

Didibsaan ku leeyahay

Dibnahaahga xidho oo

Dadka haysku gubinoo

Jooji diradiraalaha

Waa inoo qoraalka xiga haddii eebe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment