Wednesday 24 February 2010

gudomiyaha gudida joogta ah oo leysku mari la'yahay


Fadhigii Shalay ee Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida:



Hargeysa (GolisNews) Fadhi ay shalay ku yeesheen xarunta golaha guurtida Somaliland Xubnaha Guddidda Joogtada ah ee Golaha Guurtidda Somaliland oo la filayay in ay ku soo doortaan Guddoomiyaha Guddida Joogtada, Ku-xigeeniisa iyo Xog-hayaha Guddida ayaa isku mari waayay in ay soo xushaan xubnahaasi, ka dib markii ay soo ban-dhigeen laba Xubnood oo kala ah Muxumed Aw Axmed X. Aadan iyo Maxamed Ducaale Qurux in mid kastaa u sharaxan yihiin Guddoomiyaha Guddida, kuwaasi oo ay kala taageersan yihiin Xubnaha Guddida Joogtaddu, taasi oo loolan adag iyo buuq ka dhex abbuurtay fadhigii oo sababay in ay Xildhibaanadu bari u dhigtaan Doorashada hoggaanka Guddidooda.


Fadhigii u dambeeyay ee Golaha Guurtidda ee Shir-gudoonka Guurtidu ku soo ban-dhigay liiska isku shaan-dhayn ah oo ay ku sammeeyeen Guddiyada Golaha oo in badan khilaaf wayni ka taagnaa ayaa Guddoomiyaha Guurtidu Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ku amray Guddiyadaasi ay magacaabeen in toddobaad gudihii ay ku soo dhammaystiraan Guddiyadu in ay doortaan Hoggaanadooda kala duwan, si Goluhu uu u galo fasixiisii caadiga ahaa, balse arrintani ay maanta Guddiga Joogtaddu isku mari waayeen ayaa la filayaa haddii ay bari go’aan ka gaadhi waayaan inuu dib u dhici doono fasixi Goluhu geli lahaa, taasi oo hor-seedi doonta in loolan adagi ku dhex-maro Guddidayadaasi xulashada hogaanadooda oo sababi karta in heshiiskii la gaadhay ay saamayn ku yeelam doonto.






Golis News


Hargeisa/somaliland


No comments:

Post a Comment