Thursday 18 February 2010

Rayaale iyo safiirka masar

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa



Hargeysa (Golisnews.com)-- Ninka safiirka uga ah dalka Masar magaalada Nairobi ayaa markii labaad wuxuu todobaadkii hore ku celiyey hadal lagu duraayey qaddiyadda madax banaanida, gooni isku taagga iyo jiritaanka Somaliland oo uu ku tilmaamay inaanay ahayn wax jira oo ay u aqoonsanyahiin Somaliland gobol ka mid ah Soomaaliya isagoo weliba kaga darane ninkaasi Safiirka Masar ka hadlaayey shir haayadaha qaramada midoobay ku qabsadeen magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa oo lagaga hadlaayey deeqaha beesha caalamku usoo mariso qaramada midoobay Somaliland.

Warar xogogaal ah oo shabakadda Golisnews ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Rayaale uu shir kula yeeshay xarunta madaxtooyada afar wasiir oo ka tirsan xukuumadiisa oo kala ah wasiirka arrimaha dibadda C/laahi Maxamed Ducaale, Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale, Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir iyo duulista hawada Cali Maxamed Warancadde.

Kulanka wasiiradda iyo Madaxweyne Rayaale ayaa la sheegaya inuu nuxurkiisu ahaa sidii ay xukuumaddu uga aamusi lahayd hadalka ka soo baxay ninka safiirka uga ah dalka Masar Nairobi ee u waxba kama jiraanka kaga dhigaayey qaranimada Somaliland, waxaanu uu Madaxweynahu wasiiradiisa ka codsaday in arrimo qoys dartii aan arritnaasi waxba laga soo qaadin, kulanka ayaa la sheegay inuu codsaday wasiirka arrimaha dibadda C/laahi Maxamed Ducaale oo ka cadhooday hadalka safiirka masar balse Madaxweynaha ayaa kulanka wuxuu sidoo kale ku martiqaaday seddexda wasiir ee kale si arrintaasi isaga madaxiisa loogu dhaafi lahaa.

"shallay ayaad ku lahayd Siilaanyo federaal ayaad aaminsanayd marka imika si cad aad u arkayso in weliba iyadoo hargeysa la joogo qaddiyadii Somaliland sidaa loogu tuntay miyaanay ahayn Madaxweyne inaynu go'aan ka qaadano" ayuu ka yidhi shirkaasi C/laahi Maxamed Ducaale "maya arrintaasi aniga xagayga iyo madaxayga ha lagu dhaafo, weli waxaynu iskugu nimid oo aan idinka diiday ma jirta, aniga tayda maanta ha lagu dhaafo, arrimo aniga ii gaar ah darteed" ayuu Madaxweyne Rayaale ka yidhi shirkaasi.

Madaxweyne Rayaale ayaa sidoo kale afarta wasiir ee xukuumaddiisa ka tirsan ee uu sida gaarka ah ugala hadlay arrintani wuxuu ka codsaday inaan ajandahani aan gebi ahaanba la keenin shir golaha wasiiradda ee salaasa kasta ka dhacay xarunta shirarka ee madaxtooyada.

laba bilood ka hor ayaa sidoo kale safiir kale oo dawladda Masar ay sheegtay inay usoo magacawday wixii la isku odhan jiray Soomaaliya oo qaddiyad ahaan ay Somaliland ku jirto intuu hargeysa yimid uu warbaahinta ku yidhi "annagu masar wax somaliland yidhaahdo ma aragno, Soomaaliya waa dal iyo dad isku mid ah" ayuu safiirkaasi yidhi isagoo weliba caasimadda Hargeysa ku sugan, wakhtigaasina xukuumadda Madaxweyne Rayaale wax hadal ah oo ay ka soo saartay ma jirto.

Qoyska Madaxweyne Rayaale ayaa sannadkii 2006-dii waxay u guureen dalka
Masar iyadoo warbaahinta qaar ka mid ahina ay tibaaxday in qoysku ay
halkaasi ka iibsadeen guri, wallow imika qoysku ay u guureen dalka
faransiiska, wallow la sheego in ay dalka masar degenyahiin qoyska
marwadiisa walaashii iyo caruurtooda, waxaana jira laba ka mid ah
caruurtiisa oo degen magaalada Qaahira.








No comments:

Post a Comment