Tuesday 9 February 2010

Casuumad Qado Ah Oo Lagu Soo Af-jaray Khilaaf Siyaasadeed oo U Dhexeeyey Axmed Keyse iyo Duur

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Casuumad Qado Ah Oo Lagu Soo Af-jaray Khilaaf Siyaasadeed oo U Dhexeeyey Axmed Keyse iyo Duur
Casuumad qado ah oo ay ka soo qaybgaleen Cuqaasha, Odeyaasha iyo Wax-garadka Beesha Muuse, ayaa maanta lagu qabtay Hotel Golis oo ku yaala dhinaca bari ee magaalada Hargeysa.
Casuumada

n oo ay si wadda jir ah u qabanqaabiyeen Wasiiirka ku xigeenka Arimaha Dibeda Somaliland Md Axmed Aadan Ismaaciil [Keyse] iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale [Duur] oo ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa u jeedadeedu ahayd in la lagu soo af-jaro xur-guf siyaasadeed oo mudooyinkii u dambeeyey-ba ka dhexaysay labadaas masuul.

Munaasibadan oo ahayd mid si aad u ballaadhan loo soo agaasimay waxaa ugu horeyn hadal kooban ka soo jeediyey Gudoomiyaha Beesha Muuse Cabdelle Xariir Jaamac Yasir, waxaana uu halkaas ka cadeeyey in maanta si rasmi ah u soo af-jareen khilaafkii siyaasadeed ee dhawaanahan ka dhexeeyey labada siyaasi, kaas oo saamayn ku yeeshay beesha waxaana uu yidhi Gudoomiyuhu " Baryahan dambe siyaasiyiin ka mid ah beesha waxaa ka dhextaagnaa khilaaf siyaasadeed, waxaanu idin sheegaynaa hadii aanu nahay odeyaasha iyo cuqaasha beesha in maanta laga bilaabo in aanu soo af-jarnay khilaafkaas u dhexeeyey Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibeda Somaliland Md Axmed Aadan Ismaaciil [Keyse] iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale [Duur]. Labadaas nin gacanta ayaanu isku saarnay annaga oo u dul-qaadan waynay khilaafkaas"

Sida oo kale waxaa uu Gudoomiyaha Beeshu uga digey dhammaan siyaasiyiinta beesha in aanay magaca beesha ku hadli karin, iyaga oo uga faa'idaysanaya dantooda gaar ahaaneed, isla markaana beesha Muuse Cabdelle tahay beel ballaadhan oo sida beelaha kale ee reer Somaliland ka tirsan dhammaan asxaabta siyaasadeed ee dalka jirta " Suldaanka, Odeyaasha, Cuqaasha iyo wax-garadka hadii aanu nahay, waxaanu uga digeynaa dhammaan siyaasiyiinta beesha in aanay ku hadli karin magaca beesha, iyaga oo uga faa'ideysanaya dannahooda siyaasi ee u gaarka ah, waxaana ku hadli kara magaca beesha cuqaasha iyo anniga oo ah Gudoomiyihii beesha" Sidaas waxaa yidhi Gudoomiyaha Beesha M.C

Waxa isna casuumada ka hadlay Chief Caaqil Cabdi Aadan Cayn-gal, waxaanu uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay, in maanta la isku keeno labadan masuul, isla markaana ay dhameeyaan xur-gufta siyaasadeed ee dhextaalay, waxaana uu u mahadnaqay labadan masuul ee soo qabanqaabiyey casuumada qadada ah.

Waxaa kale oo ka hadlay casuumada Chief Caaqil Siciid Muxumed Cilmi oo ka mid ah cuqaasha beesha M Cabdalle, waxaana uu tilmaamay sababta loo qabtay casuumadan kulmisay Cuqaasha, Siyaasiyiinta iyo wax-garadka beesha waxaana uu yidhi "Casuumadan waxa ay ahayd u jeedada loo qabtay, in lagu soo af-jaro khilaafkaas u dhexeeyey labadaas masuul, wax kastana marka ay dhashaan ama ay dhammaadaan waxaa loo sameeyaa wan-qal", Cuqaashii halkaas ka hadashay waxaa ka mid ahaa Caaqil Biixi Maygaag Ibraahim.

Ugu dambayntii waxaa halkaas si niyad sami ah isku gacan qaaday Arimaha Dibeda Somaliland Md Axmed Aadan Ismaaciil [Keyse] iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale [Duur].

No comments:

Post a Comment