Friday 26 February 2010

Markab shidaal u siday dahanshiil iyo ina afdiinle oo shidaalkii badda ku daadiyay


Berbera,(Qaran News)-Markab shidaal u shubayey ganacsadayaasha Ina Afdiinleh iyo Dahabshiil ayaa lagu soo waramaayaa inuu ku daadiyey badda Berbera dhinaca haamaha TOTAL diesel dhan 140 tonnes oo litir.
Markabkan oo sida aanu ka soo xiganay goobjoogayaal ku shubayey shidaal haamaha TOTAL ayaa shidaalku daatay markii uu isku dayey inuu dhuumaha badda yaala shidaalka ku shubu. Mid ka mid ah Injineeradda haamaha ayaa u sheegay Waaheen inay mushkiladdu tahay iyada oo markabkaasi aanu lahayn xoog (pressure) ku filan si uu u gaadhsiiyo haamaha taasina ay sababtay inuu shidaalku badda ku daato.

Ma laha dekedda Berbera iyo haamaha TOTAL midna qalabka lagu yareeyo fiditaanka saliida badda ku daata ama ka dib aalaadkii lagu sifayn lahaa. Waxaana markaa dhacda uun in shidaalka badda ku daataa la suga uun intay baddu iskeed u fogaynayso.

Weli ma cadda waxa laga yeelay markiibkii shidaalkaa badda ku daadiyey iyada oo qaar ka mid ah masuuliiyiinta Berbera ay sheegeen in la gaanaaxi doono.


Waheen

No comments:

Post a Comment