Tuesday 9 February 2010

Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada oo ka hadlay tallaabo uu qaaday Wasiir Xukuumadda ka tirsan

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada oo ka hadlay tallaabo uu qaaday Wasiir Xukuumada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, ayaa maanta sheegay in Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Idiris Ibraahim Cabdi uu ka baxay dhawr ballan oo uu hore u qaaday in uu Golaha hor imanayo, ka dib markii ay u yeedheen Guddidani.

Guddida dhaqaalaha oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Wasiirka Xannaanada Xoolaha ay muddo laba bilood ka hor ah ay ka dalbadeen in uu hor yimaaddo, hase ahaatee uu muddadaaba hadba ballanka ka baxayay. “Maanta oo ay bishu 9 ahayd ayaa ballankii afraad ee uu isagu qabsaday in uu Golaha hor-imanayo uu ka baxay.” Ayay yidhaahdeen Mudanayaashii halkaa ka hadlay.

Guddoomiyaha Guddidan Maxamed Maxamuud Cumar-Xaashi oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ilaa 8 Waraaqood ay u qoreen Wasiirka, intaas oo dhan-na uu hadba waqti u qabanayay in uu hor yimaaddo Guddida, balse muddadii u dambaysay ee uu qabsaday oo maanta ku ekayd oo ay sugayeen in uu hor-yimaaddo guddi ahaan uu ka baxay. “Ilaa hadda waxaanu garan la’nahay sababta uu gees Ganacsiga uga galay, dhinacna uu Khasnajiga u noqday ileen Wasaaradda Maaliyadda ma galaan Lacagta laga qaado Maxjarka Berbera. Aad baanu uga axunaay in isaga oo Wasiir ah uu sharciga ku tunto, wixii aanu ka yeelaynaya waanu ka tashanaynaa.” Ayuu yidhi Maxamed Maxamuud Cumar-Xaashi.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Wasiirku warqaddiisii u dambaysay ee uu ku qabsaday muddada maanta ee uu ka baxay uu ku codsaday oo kale in aanay Warbaahintu goob-joog ka noqon, balse aanay ka aqbalaynin. Isla markaana aanay ka hadhi doonin in ay u yeedhaan Wasiirka oo uu Golaha hor yimaaddo. “Haddaanu Baarlamaan nahay, xitaa haddii aanu dantii umadda gabnay, haddana nagamay quusan wali dadku, markaa waxaanu haynaa cabashooyin badan oo shacabka ka yimi, gaar ahaan Ganacsatada.” Ayuu yidhi Duur, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaanu leenahay, is-qaban mayso Wasiir baan ahay iyo Golaha hor-iman maayo oo sharciga ayaan ku tumayaa.”

Mudanayaashani waxay sheegeen in ay Warbaahinta iyo shacabkaba u soo bandhigi doonaan arrintan, isla markaana aanay ka hadhi doonin ilaa uu Wasiirku Guddidan hor yimaaddo oo lala xisaabtamo.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

No comments:

Post a Comment