Wednesday 10 February 2010

rayaale oo ku amray wasiirkiisa x.xoolaha in aanu hortagin golaha wakiilada


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Fadeexadaha Musuqmaasuq ee Hadheeyey Wasiirka Xoolaha oo ku Khasbay inuu Diido Hortagga Guddiga Dhaq


Feb 10 2010 (Somaliland Net) - Hargeysa - Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Maxamed uu diiday inuu horyimaad guddigooda si wax looga waydiiyo fadeexado musuqmaasuq iyo madmadow hadheeyey shaqadiisa oo ku qotoma dhoofka xoolaha noola. .

Shir-jaraa�id oo xubnaha Guddiga Dhaqaalaha shalay ku qabteen xarunta Golaha Wakiillada waxay kaga dhawaaqeen in muddo ka badan saddex bilood ay u yeedhayeen Wasiirka Xannaanada Xoolaha, isla markaana siddeed waraaqood oo yeedhmo ah u qoreen, balse iska dhego-mariyey inuu horyimaad, una hoggaansamo shuruucda dalka, iyagoo masuuliyadda arrintaasna dusha u saaray Madaxweyne Rayaale oo ay sheegeen inuu wasiir Idiris ku yidhi ha tegin golaha.

Guddigu waxay sheegeen in wasiirku uu ka dalbaday in saxaafadda laga qariyo oo aan loo oggolaan hadduu u imanayo, arrintaasina caddaynayso in shaqada wasiirka madmadow iyo wax isdabamarini ku jirto. Sidaa daraadeedna waxay tilmaameen in aanay ka hadhi doonin ee ay ka qaadi doonaan tallaabada sharcigu u bannaynayo.

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqalaha Md. Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo ugu horreyn shirkaa jaraa�id ka hadlay, ayaa ka warbixiyey siday ku bilaabatay yeedhmada wasiir Idiris iyo qoraalladii kala duwanaa ee ay u qoreen iyo wixii uu ka yeelay, isagoo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; �Waxaannu ku jirnay hawl aannu ugu yeedhaynay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo aannu hawl ku saabsan wixii ka dhacay Berbera iyo maxjarkii la sameeyey aannu ugu yeedhaynay, taas oo loo baahan yahay in la ogaado halka uu kharashka ummaddu tago, lacagta la qaaday halka la geeyo iyo heshiiska ka dhexeeya Al-jaabiri iyo xukuumadda in ummaddani wax ka ogaato, xaqna ay u leeyihiin.

Warqaddii ugu horreysay waxaannu u qornay 10/12/2009, waxaanuna ballantii koowaad u qabanay bishii 12aad ee sannadkii dhammaada 15-keeda, wuxuu ku soo jawaabay inuu bisha 16-keeda yimaad, wuu iman waayey. Ballan kale ayaanu haddana u qabanay 30/12/2009, taas lafteedana kumuu iman, kamanuu soo jawaabin, wax dambe oo aannu ka helnayna may jirto.

Marka intaaba imaansho laga waayey ninkaas odayga ah, waxa warqad u qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada bishan 01/02/2010, waxa loogu yeedhay inuu yimaad Golaha Wakiillada bisha 6-deedii, isagu warqad uu ku soo jawaabay wuxuu qabsaday maanta (shalay) oo bishu tahay 09/02/2010, markay saacaddu tahay 10:00am, ilaa iminkana lama hayo, warqad uu soo qorayna ma jirto.�

Md. Cumar-xaashi oo sharraxaad ka bixinayey qodobka dastuuriga ah ee u bannaynaya inay u yeedhaan ama wax su�aalaan madaxda qaranka waxa uu yidhi; �Qodobka dastooriga ah 53aad, faqradiisa 6aad waxay sheegaysaa; �Golaha Wakiilladu wuxuu awood u leeyihiin inuu u yeedho xukuumadda, hay�adaha amma wakaaladaheeda si wax uga weydiiyaan gudashada xilkooda.�

Isla qodobka 53aad farqadiisa 7aad, wuxuu odhanayaa; �Guddiyada Golaha Wakiilladu waxay awood u leeyihiin inay Wasiirrada amma madaxda hay�adaha amma madaxda sare ee qaranka ee hawshoodu khusayso wax ka weydiiyaan gudashada xilkooda.��

Md. Xaashi waxa uu sheegay in waxa dalka iyo hay�adaha qaranka kala hagaa uu yahay sharciga dalka, kaas oo cid waliba wax ku tahay, hase ahaatee aanay garanayn sababta Wasiirka Xannaanada Xooluhu uu u diidan yahay inuu ka jawaabo shaqooyinka uu faraha ku hayo ee ah ganacsiga uu galay.

Annagu waxaannu ku joognaa meesha qodob dastuuri ah oo nalagu soo doortay, isna [Wasiirka] wuxuu meesha ku joogaa qodob dastuuri ah oo lagu magacaabay, waxa noo dhexeeya dastuur iyo qaynuun, ma nihin laba shaqsi oo suuqa iska helaya ee waxaannu nahay laba masuul oo laba xil kala haya oo waxna u dhexeeyaan dastoor iyo qawaaniin.

Haddii wasiirku amma xubin Golaha Wakiillada ka mid ah dhowri waayaan dastoorka oo jabiyaan, waxa imanaysa in la horgeeyo sharciga oo lala tiigsado dastoorkaas uu jabiyey. Wasaarado badan ayaanu u yeedhay, waanay noo yimaaddaan, wixii aannu is-waydiinana waannu is-waydiinaa, ilaa iminka waxaannu garan la�nahay Wasiirka Xannaanada Xooluhu markuu galo baayac-mushtari, geesna uu ka galo inuu khasnajiga noqdo oo lacag uu qaado, waayo lacagtu waa inay ku soo xarootaa Maaliyadda, lacagtaasi hadday Maaliyadda iman waydo waa la isweydiinayaa halka ay martay, intiiba waxa muuqata in aannu doonayn inuu ka jawaabo amma uu yimaaddo Golaha Wakiillada, aad baananu uga xunnahay isaga oo wasiir ah inuu si cad dastuurka ugu gefo, wixii shacrigu yahayna waannu yeeli, waannu ku hawl jirnaa,� ayuu hadalkiisa ku gebogabeeyey Guddoomiye Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi.

Sidoo kale, Xoghayaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa shaaca ka qaaday in muddadaas ay u yeedhayeen Wasiirka ay u qoreen siddeed waraaqood oo yeedhmo ah, balse uu ka warwareegay inuu horyimaado.

�Annaga guddi ahaan waxa la yidhaa Guddiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Arrimaha Maaliyadda, Wasiirka Wasaarad ahaan xidhiidh ulama lihin, laakiin Wasiirku iyo Wasaaraddii uu hawsheeda hayey ee ahayd daaweynta iyo xannaanada xoolaha wuu ka gudbay, wuxuu ku jiraa arrinka ganacsiga xoolaha, wuxuu qabtaa takaaliif iyo dhaqaale saaran neefkii ummaddu lahayd ee laf-dhabarta dhaqaalaha ahaa.

Wasiiku wuu ka werwereegay in aannu arrimahaas wax ka waydiino, siddeed warqadood oo aannu u dirnay ayaanu halkan ku haynaa. Wasiirka laba bilood ayaanu daba soconay si aannu wax uga weydiino gudashada xilkiisa, warqadii ugu dambeysay waxa uu Wasiirku ku codsaday in saxaafaddu ka maqnaato kulanka uu nala yeelanayo, annaguna saxaafadda waxaannu ugu yeedhaynaa waa hub laba af leh, haddii uu Wasiirku wax qabtay oo uu ku faanayo waxay u noqonaysaa mid qurux ah oo waxqabadkiisii ummadda gaadhsiiyo, haddii uu wax qarsanayo oo madmadow ku jirana saxaafaddu waa ta ummadda gaadhsiinaysa, annaguna hub iyo ciidan ma lihiin aannu nin xad-gudbay ku qabano,� ayuu yidhi Md. Duur.

�Waxaannu ummadda horteeda markasta ugu soo bandhigaynaa in aannu saxaafadda horteeda su�aalo ku weydiino, golaha iyo saxaafadduna way isku xidhan yihiin, waayo goluhu shacabka ayuu wakiil ka yahay, shacabkana cidda keliya ee warka gaadhsiinaysaa waa saxaafadda, haddii uu wasiirku wax wanaagsan qabtay oo uu dan ummaddeed ka shaqaynayo muxuu saxaafadda u diidayaa, annagu waxaannu halkan ku haynaa wuu maqnaaday, waannu diiday, inuu maqnaadaana waxay muujinaysaa in hawsha uu hayo madmadow ku jirto.�

Waxa kaloo Xildhibaan Duur daboolka ka qaaday in Wasiirka Xannaanada Xooluhu uu ku macneeyey heshiiska xukuumaddu la gashay ganacsadaha carbeed ee Al-jabiri mid sir ah oo aan cid walba loo bandhigi karin, arrintaas oo uu ku tilmaamay wax isaga Rayaale isla ogyihiin oo aan dan ummadeed ahayn.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; �Maxjarku waa heshiis xukuumaddu la gashay maalqabeen shisheeye ah, distoorkuna waxa uu si cad u qeexayaa heshiisyada noocaas oo kale ah in Golaha Wakiillada la horkeeno, wasiirku waxa uu si cad u sheegay in heshiiskaasi sir yahay, sirta laga qariyey Golaha Wasiirada ee aanay ogayn ee ay halkan ka caddeeyeen, sirta laga qariyey Rugta Ganacsiga, sirta Rayaale iyo Idiris oo keliya u dhaxaysa ma dan ummadeed baa? Dan umadeed maaha, waayo ummadda ayaa loo soo bandhigi lahaa.�

Waxa kale oo uu Md. Maxamed Nuur Carraale ka warbixiyey lacagaha xad-dhaafka ah ee lagu soo rogay xoolaha dhoofaya oo ah mid culays aad u wayn ku haysa ummadda, isla markaana lacagtaasi aanay ahayn mid ku dhacda khasnadda dawladda iyo baanka qaranka toona ee la leexsado.

�Waxaannu leenahay yaa qaata lacagtaas? Imisa sanno ayey dadka saarnaanaysaa? Imisa ayuu Al-jabiri inagu maalgashaday? Waar miyeynaan ahayn qaran xaq u leh inay iswaydiiyaan? Wallaahi ka hadhimayno waanu dabasoconaynaa oo wasiirka waanu sugaynaa ilaa uu halkan yimaado oo uu ummadda u caddeeyo takaaliifta iyo culayska maaliyadeed ee uu ku keenay, suurtogelimayso waa sir, Baarlaman baan ahayn ummadda ka wakiil ah in aan ogaado wax kasta oo khuseeya xaq baan u leeyahay.

Ciidii Carafa oo keliya waxa toban maalmood ku dhoofay 650,000 (lix boqol iyo kontan kun) neef, wax keliba adiga oo aan eegin 7.5 doollar ku dhufo, bil keliya ayaa waxa soo baxay lacag ka badan 20,000 doollar (labaatan kun oo dollar), bal intii ka dambaysay qiyaas, waar maxjarku qaalisanaa? Imisa sanno ayuu soconayaa? waxa inoo dhisana qiimahoodu maaha intaa, maxjarkii uu Al-jabiri ballanqaadayna maaha, Idirisna golaha ayuu uga hor yidhi maxjarka waxaynu kaga beddelanaynaa Al-jabiri kootadii xoolaha ee loo xidhay, muu odhan lacag buu qaadayaa,� ayuu yidhi Md. Duur.

�Wasiir imanmaayo golaha hortiisa, guddiga u imanmaayo iyo wasiir baan ahay isma qabtaan ee way isdiidayaan, waayo anigu xildhibaan noqonmaayo haddii aan sharciga dalka jebiyo. Wuxuu noqon doonaa wasiir guddiga horyimaada ama qof madaxbannaan oo Idiris la yidhaa oo reer Somaliland ah ayuu noqonayaa. Ta labaad dan ummadeed ayaan wadaa oo wax baan qabtay iyo saxaafadda iga qariya isma qabtaan.�

�Maxjarkan Al-jabiri dhisay maaha kii lagu heshiiyey, maalintii la bilaabayey aniga ayaa golaha u matalayey, maxjarkii dhagaxa la dhigay wuxuu ahaa haamaha shidaalka dabadooda, halkan iminka uu dhisayna waxay ahayd halkii ay lahayd Wasaaraddii Xannaanada Xoolaha ee Soomaaliya oo uu Al-jaabiri innooga taagay tuunbooyin. Waxaan wasiirka u sheegayaa inaad golaha hortimaadaa waa khasab, annaguna ka hadhi mayno, waxaanay noqon doontaa shuruud inuu Idiris golaha horyimaad wadashaqaynta naga dhexaysa xukuumadda. Wuxuu suuqa ka yidhi [Idiris] Madaxweynaha ayaan la hadlay oo igu yidhi ha tegin, haddii Ina Rayaale ku yidhi, ha tegin amma qaran baynu noqonaynaa ama qowlaysato dadka boobta,� ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Xil. Maxamed Nuur Carraale (Duur).



.

No comments:

Post a Comment