Tuesday 23 February 2010

faysal cali waraabe oo si weyn loogu soo dhaweeyey Hargeysa



Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa
February 23rd, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku soo maray dalal kala duwan oo Qaaradda Yurub ka tirsan.



Guddoomiyaha UCID oo shalay ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera, isla markaana saaka ka soo kicitmay, ayaa waxa soo-dhawayntiisa ka qayb galay hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE oo ay ka mid ahaayeen, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed (Axmed-Siilaanyo), Guddoomiye-xigeenka Muuse Biixi Cabdi, Xoghayaha guud Keyse Xasan Cige iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Inkasta oo ay Jidadka waawayn ee Magaalada Hargeysa xidheen Gaadiid tiro badan iyo dadweyne ka qayb-qaadanayay soo-dhawaynta Guddoomiyaha, haddana waxa markii dambe Faysal Cali Waraabe oo loo gelbiyay dhinaca xarunta dhexe ee Xisbigooda , halkaas oo uu kula hadlay dadweyne aad u tiro badan.

Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in dalalka uu soo maray ilaa 8 Waddan oo ka mid ah dalalka Yurub, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay u sheegeen in Xukuumadda Somaliland ay ka gaabisay xidhiidhka dawladaha Caalamka. “Walaalayaal dalalka aanu soo marnay waxay diyaar inoola yihiin xidhiidh, balse Xukuumaddeena ayaa ka gaabisay, waxaanay noo sheegeen in aanay arag cid ka socota Xukuumaddeena..Dalalkaa waxaanu kala hadalnay arrimo la xidhiidha qaddiyaddeena, waxaanay sheegeen in badankoodu ay dalkeena u soo dirayaan goob-joogayaal iyo Wufuud.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Guddoomiyaha UCID wuxuu Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay musuq-maasuq. “Walaalayaal taag uma hayno Kiish afkiisu halkan yaalo oo daadsan ilaa Paris, Insha Allah markaanu talada dalka qabsanana Waxbarashada ilaa Dugsiyada sare waxaanu ka dhigaynaa bilaash.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Insha Allaahu walaalayaal markaanu talada qabsano Tuulo kasta iyo Magaalo kastaba waxay heli doonaan Biyo nadiif ah, waxaananu Direyska ka bedeli doonaa Ciidankeena, waananu qorshaynay Direyskii aanu u xidhi lahayn Ciidankeena.”

Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in haddii ay talada qabtaan ay yarayn doonaan Shaqo-la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments:

Post a Comment