Saturday 27 February 2010

Caleemo-saarka Ugaaska Beesha Ciise ee maalinta Axadda oo ka socota Saylac

Qaban-qaabada Caleemo-saarka Ugaaska Beesha Ciisaha ee maalinta Axadda oo ka socota Saylac
February 26th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Qaban-qaabada Munaasibadda Caleemo-saarka Ugaaska 19aad ee Beesha Ciisaha, ayaa ka socota magaalada Saylac ee Xarunta gobolka Selal, kaas oo la filayo in ay ka qayb galaan madax badan oo ka kala socota Dawladaha Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya.

Munaasibadda Caleemo-saarka Ugaaska 19aad ee Beesha Ciisaha oo la filayo in maalinta Axadda ah lagu qabto Magaalada Saylac, ayay qaban-qaabadeedii ka socotaa magaaladaas. Waxaana goobta loo cayimay in lagu qabto Munaasibadda Caleemo-saarka laga dhisay Taambuug amaba Taandho ballaadhan oo lagu rakibay qaboojiyayaal iyo agab kale oo kuwa Laydhka ah, taas oo loogu talo-galay in ay ka dhacdo Xafladda Caleemo-saarku, waxa taas barbar socda diyaarinta goobaha kale ee ay degi doonaan martida kala duwan ee ka qayb-galaya Caleemo-saarkan.

Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Saylac, ilaa 1,500 oo qof ayaa ka qayb-galaya caleemo-saarka, kuwaas oo isugu jira Madax, masuuliyiin kale, madax-dhaqameed, Culima’udiin, Saxaafadda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Caleemo-saarkan oo ah tii ugu horraysay ee nooceeda ah, ayaa la filayaa inay maalinta Axadda ku qabsoonto magaalada Saylac.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments:

Post a Comment