Sunday 7 February 2010

Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga U Taxaabay Wadaado Macalimiina Oo Baadhitaankii Qaraxyadu Galeen

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Laascaanood: Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga U Taxaabay Wadaado Macalimiina Oo Baadhitaankii Qaraxyadu Galeen
Laascaanood, February 7, 2010 (Haatuf) – ciidamada amaanka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa shalay xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga madarasadaha magaaladaasi oo la sheegay in baadhistii qaraxyadu ay gashay isla markaana loo tuhun sanyahay in qaraxyadaasi ay lug ku lahaayeen.

Ardayda wax ka barata madarasadaha magaalada Laascaanood ee ay wax ka dhigayeen macalimiinta xabsiga loo taxaabay ayaa iyaguna shalay mudaharaad ay kaga cadhaysan yihiin xadhiga macalimiintooda ka sameeyey badhtamaha magaalada, iyadoo dhinaca kalena gaadhi tigniko ah oo ciidamada amaanku leeyihiin oo galay guri uu ku dhintay hal qof oo ku sugnaa gurigaasi kuna dhaawacmeen afar askari oo gaadhigaasi la socday.

Wasiirka arimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro) oo isaga iyo wafdiga uu hogaaminayaa ay mudo laba todobaad ah socdaal ku joogaan magaalada Laascaanood oo warbaahinta uga waramay qaabkii ay ciidamada amaanku ku soo xidheen macalimiintaasi iyo qaabka uu u dhacay mudahraadkaasi ardaydu samaysay ayaa waxa uu yidhi “ sadex macalin oo baadhistu nala gashay oo looga yeedhay saldhiga ayaa khal khal iyo rabshado galiyey ardaydii oo shoobaro abuuray, markaa dad woxogay ah oo wax ma garad ah ayaa boolisku kala dareeriyey, ninkaasina rasaas kumuu dhimane ee nin oday ah oo gaadhi jiidhay buu ahaa magaaladuna way dagan tahay, mudaharaadna ma dhicin”

--------------------------------------------------------------------------------

No comments:

Post a Comment