Wednesday 3 February 2010

Dawladda Sudan oo shuruud ku xidhay Ictiraaf Caalami ah oo ay Somaliland hesho 2010

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Dawladda Sudan oo shuruud ku xidhay Ictiraaf Caalami ah oo ay Somaliland hesho




Addis-Ababa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Sudan Deng Alor ayaa sheegay in walaaca badan ee ay Afrika ka qabto xasilooni darada ka taagan dalka Soomaaliya ay horseedi karto in loo jeesto Somaliland oo labaatankii sannadood ee u dambeeyay uu ka jiray xasilooni iyo nabadgeliyo.

Wasiir Deng, oo shalay xarunta Midowga Afrika ugu waramay saxafiyiin reer Somaliland ah oo shirkaas ka qayb galaya, waxa uu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, mustaqbalka Somaliland iyo weliba doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dhawaan ka dhacaan koonfurta dalka Sudan oo uu isagu ka soo jeedo, “Jiilal badan ayaynu ku weynay Soomaaliya, waana masuuliyadda hoggaamiyayaasha Afrika inay talaabo adag ka qaadaan sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa kala dambayntii.” ayuu yidhi Wasiirku, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyay, “Meel kasta oo qaaradda ah waxa ka jira walaac Soomaaliya ah, tallaabadii laga qaadi lahaana wada hadal ayaa ka socda. Markaas walbahaarka Soomaaliya ee meel kasta laga ogyahay werwerkiisu saamayn weyn ayuu ku leeyahay haddii ay tahay Hargeysa, Muqdisho iyo meel kasta. Hargeysa [Somaliland] had iyo jeer waa nabadgeliyo, waxa ka jirta Somaliland xasilooni iyo ammaan rejo gelinaya dadka, laakiin sidaas oo kale waa laga hirgelin karaa Muqdishana.”

Dalka Sudan ayaa xubin firfircoon ka ah Urur-gobolleedka IGAD ee Afrika iyo sidoo kale Midowga Afrika oo isna xubin ka yahay.

Mar la weydiiyay in Somaliland ay fure u noqon karto dhibaatada Soomaaliya ka taagan, waxa uu yidhi, “Haa, run ahaantii waxa ka dhacaya Somaliland way kaga dayan karaan Soomaaliya, xaqiiqdiina taasi waa ta rajada gelisay dadka, sababtoo ah haddi ay taasi Somaliland ka jirto, maxay Soomaaliyana uga hirgeli weyday.”

Mar la weydiiyay sababta ay Afrika uga dhego adaygayso qaddiyadda aqoonsiga Somaliland oo ah dal labaatanki sannadood ee u dambeeyay u halgamayay ictiraaf uu ka helo bulshada caalamka, waxa uu shuruud uga dhigay in ay Somaliland iyo Soomaaliya ka wada-hadlaan arrintaas, waxanu yidhi, “Horta Afrika iyo Midowga Afrikaba waxa wax lagu maamulaa qawaaniinta ururka u yaala, dadkuna way qabaan dareenka Somaliland, aakhirkana waxay noqon doontaa in la eego Somaliland. Dadka reer Somaliland waxay la soo dagaalamayeen aqoonsi siyasadeed la’aan, laakiin waxa sidaas kula shaqaynayay gobalka, AFrika iyo beesha caalamka, islamarkaana sumcad wanaagsan ayay gobalka ku dhex yeesheen. Balse aqoonsigu wuxuu muhiim ku yahay inay dadku kula shaqeeyaan. Arrinta aqoonsiga Somaliland cidina ma doonayso inay ka hadasho Soomaaliya kala qaybsan, balse taasi waxay ku xidhantahay uun go’aan Soomaaliya iyo Somaliland ka wada gaadhaan arrintaas, waana markaas marka cid kastaanba aqoonsanayso Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha dibadda Sudan oo la weydiiyay mudada uu filayo inuu aqoonsiga Somaliland baadi goobkiisu qaadan karo, waxa uu yidhi, “Sidaan hore u sheegay aqoonsiga siyaasadeed waa taageero, laakin aqoonsiga aan rasmiga ahayni waa sida ay Somaliland kula shaqayso dalalka gobalka iyo beesha caaalamka, waana aqoonsi aan rasmi ahayn oo muujinaya in bulshadan [Somaliland] ay dhab ka tahay qaddiyadoodu, islamarkaana ay tahay in la caawiyo. Ma sheegi karno mudada ay qaadanayso, laakiin waxay ku xidhantahay uun hadba siday noqoto xaaladda Soomaaliya, sababtoo ah xataa xaaladaha Soomaaliya saamayn bay ku leeyihin Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Sudan, waxa kale oo uu fikir xaqiqo ahayn ku tilmaamayn hadal uu Madaxweynaha Liibiya Qaddaafi ka sheegay shirjaraa’id oo uu qabtay, kaas oo ahaa in haddii ay xiitaa dadka koonfurta Sudan u codeeyaan inay ka go’aan Sudan uu dagaal dhex mari doono dadka koonfurta Sudan. “Maya, wax jira maaha.” ayuu yidhi Wasiirku.

Xigasho: Wargeyska Ogaal

No comments:

Post a Comment