Tuesday 2 February 2010

Khubaradii kala Shaandhaynta Server-ka oo Hawshii shaandhaynta Si Rasmi ah u bilaabay 20100202

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Khubaradii kala Shaandhaynta Server-ka oo Hawshii shaandhaynta Si Rasmi ah u bilaabay



Khubaradan oo Hawshooda Shallay bilaabay ayaa ah khubaro u dhashay Dalka Ingiriiska oo iyagu ku guulaystay Tartankii loo galay kala shaandhaynta Server-ka.......

Hargeysa (GNS) Khubaradii kala shaandhaynta Cod-bixiha is Diiwaan-geliyay ayaa si rasmi ah u guddo galay kala shaandhaynta Server-ka.

Khubaradan oo Hawshooda Shallay bilaabay ayaa ah khubaro u dhashay Dalka Ingiriiska oo iyagu ku guulaystay Tartankii loo galay kala shaandhaynta Server-ka.

Waxa guddo galka Server-ka iyo kala shaandhayntiisu ay ka mid ahayd Qodabadii Lixda ahaa ee lagu soo afjaray khilaafkii Siyaasiga ahaa ee dhawaan Dalka ka dhacay. Waxaanu Qodabkani uu bartilmaameed u yahay in ay ka soo baxaan Natiijada Waqtiga Rasmi ahaan loo mudayn doono Doorasho Madaxtinimo ee dhawaan la filayo Dalka in ay ka qabsoonto.

Waxa kale oo la filayaa in Maalinta bari (Maanta) ah Khubaradaasi ay Komishanka Doorashooyinka u gudbin doonaan War-bixin hordhac ah oo ku saabsan Hawsha shaandhayntu Mudada ay qaadan doonto iyo Waxyaabaha khaldan ee loo baahan yahay in la Saxo.

Saciid Khaddar Cabdillahi
Gabileynews Reporter
Hargeysa Somalliland

No comments:

Post a Comment