Monday 1 February 2010

mudanayaasha golaha guurtidda oo cod aqlabiyada ah ku diiday iscasilaadda guddoomiye ku-xigeenka

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
mudanayaasha golaha guurtidda oo cod aqlabiyada ah ku diiday iscasilaadda guddoomiye ku-xigeenka


hargaysa(iftinnews)02/01/2010Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa manta cod aqlabiyad ah ku diiday Is-casillaada Guddoomiye-ku-xigeenkii Golahaas Sheekh Axmed Sheekh Nuux oo todobaadkan u gudbiyey shir-guddoonka warqad iscasilaada.
Fadhigii manta ee golaha oo ay goob jog ka ahaayeen 65 mudane, ayaa cod loo qaaday is-casilaada guddoomiye-ku-xigeenka, taasoo 63 mudane ay ku diideen is-casillaadiisa, halka Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka labaadna ay ka aamuseen.



Guddoomiye Xigeenka is-casilay, ayaa isaguna aqbalay inuu ka noqday go’aankiisa hore, maadaama uu kalsooni ballaadhan ka helay xubnaha golahaas

No comments:

Post a Comment