Saturday 6 February 2010

Qaar kamida Odayaasha iyo Wax Garadka Beelha Gabooye Ayaa Maanta Shir Jaraayid Ku qabtay Burco

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Qaar kamida Odayaasha iyo Wax Garadka Beelha Gabooye Ayaa Maanta Shir Jaraayid Ku qabtay Burco


Saturday, 06 February 2010
Burco( Togdhnews) Qaar kamida Odayaasha iyo wax garadak gobolka togdheer kana soo jeda beelaha gabooye ayaa manta shir jaraayid ku qabatay xarunta gobolka togdheer ee magaalda burco.



Odayaashan iyo wax garadkan ayaa u jeedada shirkoodan jaraayid salka ku haysay dhaleecooyin hore loogu soo jeediyey Suldaan Daakir Xasan Khaalif oo ku saab saneyd in suldaan daakir yahay suldaanka beelaha Siciid Kuul, ee aanu aheyn suldaanka beelaha ma dhibaan.

Hadaba odayaashan shirka jaraayid qabtay ayaa hlka ka cadeyey in suldaan Daakir U ka mid yahay
salaadiinta beelaha gabooye beesha u ka soo jeedana (Siciid Kuul) ay ka mid tahay beelaha gabooye,se
sida awadeedna aanu suldaanku u qalmin in la dhaleeceeyo amase dhaliil aanu laheyn dusha laga saaro

Kayse Saleeban Maxmed Oo Ku hadlayay Afka beesha ma dhibaan kana hadlay shirka jaraayid ayaa waxaa hadaladisii ka mid ahaa.

“ujeeda shirkaan aan manta isugu nimi ee aan shirkan jaraayid u qabanay ayaa ah arrin inbad soo jiitamasay oo ah sheeko lagu soo dhex tuuray beel ka mida beelaha gabooye gaar ahaan ma dhibaan, sheekadan oo ahyed aarin lagu kala qoqobeynay ardaayada beesha madhiban ahyedna marshuuc rag soo qaatay laakin fashilmay.


"Warka ay Mediaha ku qoreen Suldaan Saxardiid Faarax iyo Caaqil Kaariye Xirsi waxay ku sheegeen in Suldaanka guud ee beelaha Gabooye yahay Suldaan Siciid Kuul ah isla markaana aanu ahayn Suldaanka Beeshooda Madhibaan Siciid Kuul iyo Madhibaan ay yihiin laba reer oo ay dani isu keentay balse aanu isku hayb ahyen ,sidaa awgeedna uu ku qadhaabto magaca Madhibaan .

Markaa waxaan halkan umada ugu cadaynayaa in warkaasi yahay been Suldaan Daakirna yahay Nin madhibaana ah suldaana u yahay Labada reerba "sidaasi ayuu yidhi Afhayeenka beelaha Gabooye .

waxa isna goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaha Beesha Madhibaan Deeq Ismaaciil Mire oo isna ku tilmaamay warka Odayaashaa ka soo baxay waxba kama jiraan isla markaana waxa uu sheegay in ay doonayaan Odayaasha warkaasi baahiyay in ay beelaha Gabooye muran ka dhex abuuraan.


Waxaa kalo intaas ku daray in arrintan kuulcareyntu tahay arrin fashilayntay oo lagu guul dareysaty sodan sano ka hor hadan ay rag soo cus boonaysiyeen marshuuc ku soo qaatay, waanan odhan kara waa xanuun ku dhaca bulshada qeyb ka mida oo qofba iska jeclaada inu madax weyne noqda una burburiya dal iyo duunayab ila u ka helaya waxa u doonayo nagana (gabooye) waxaa nagu jira qaar noocaas ah oo meel walba u maray siday u noqon lahayeen aji manaha wax dhacaysa maxaa yeelay illhay ayaa naga beeray , sinabana anan ubadali karin.

Shikan jaraayid ee manta ayaa daba socday shir jaraayid oo ay hore u qabteen qaar kamida salaadiinta iyo cuqaasha beelaha gabooye kuna shegeen in beesha siciid kul aanay aan ka mid aheyn beelaha gabooye balse ay degaan wadaahan.

Hadaba arrintan ku saabsan isku tuur tuurka beesha siciid kuul oo hadal heynteedu mudooyinkii danbe si aad looga dareemayo gudaha magaalada Burco , dadkuna ka dhursugayaan waxaa ka soo baxa ayaynu bal eegi doona halka ay saldhigto.otmail.
Maxamed Tiriig Burco
Tiriig_2@hotmail.comThis e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Togdheernews

No comments:

Post a Comment