Monday 1 February 2010

wareysigii siilaanyo safarkiisii iyo soo noqoshadiisii

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Hargeysa, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- “Mahad aad u balaadhan ayaan u celinayaa dadweynaha reer Somaliland meel kastooy a joogan..Intii aan Maraykanka joognay gobolo badan ayaan tegay, dad badan ayaanu is-aragnay, waxaana aad iila shaqaynayay dad fara-badan oo reer Somaliland ah iyo Xisbiga Kulmiye ah.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii socdaal afar toddobaad qaatay ugu maqnaa dalka Maraykanka.
Guddoomiyaha oo shalay Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE ugu waramayay Warbaahinta, ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa dalka Maraykanka uu kulamo la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan dalkaas. “..Shirarka aanu qabanay dadka aanu is aragnay ee ka tirsan Hay’adaha kala duwan ee dawlada Maraykanka iyo Baarlamankeeda, Koongareeska iyo kuwa kale ee Hay’adaha kala duwan ka wada shaqeeya intaba aad ayaa naloo soo dhaweeyay. Qaddiyadda Somaliland ayaan umadda ka dhaadhicinay oo aanu fahamsiinaynay, waxaananu qabnaa in arrintaas si aad iyo aad ugu guulaysanay oo waxtar wayn iyo qiimo wayn u noqon doonto dalka reer Somaliland iyo dadkaba. Waxaanu si buuxda oo tafasiil ah uga warami doona umada reer Somaliland oo aan dhawaan u soo bandhigi doonaa waxa noo soo qabsoomay.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.
Intaa ka dib, su’aalo Warbaahintu waydiisay iyo jawaabihii uu ka bixiyay waxay u dhaceen sidan;
S: Intii aad maqnayd waxa Xukuumadda ka soo yeedhay in aad Adigu Axmed ahaan aaminsan tahay mabda’a Soomaaliweyn, sidaa darteed aad cafis dalbato, arrintaa sideed u aragtaa?
J: Warkaasi waa I soo gaadhay oo waan maqlayay, wax alla wax aan qiimo siinayaa arrintaasi ma jirto, wax igu dhacay ma jiraan, sida lay qaabilayna indhihiina ayaad ku aragtaan. Dadka reer Somaliland waxaan gudo iyo waxaan galo labadaba way ogyihiin, waxaan u soo galayna way ogyihiin, halkaan ugu jiro umadda reer Somaliland ayaanan aaminsanahay oo Madaxweynenimo ayaan ugu taaganahay. Qaranka waan u soo halgamay, waan u soo shaqeeyay, maantana Somaliland ka ugu horreeya ee u halgama ayaan noqonayaa, ragga sidaa lehna taariikhdooda iyo taariikhdayda waa la kala yaqaanaa, waxba ku dheeraan maayo.
S: Maraykanka maxaad ka wada hadasheen?
J: Waxaanu ka wada hadalnay Somaliland wax-qabadkeeda, Doorashooyinkeeda, Dimuqraadiyadeedda iyo horumarkeeda, guulo badan iyo is-afgaradna waanu ka gaadhnay. Sidaan horeba u sheegay waxaan soo bandhigi doonaa oo aan sharaxi doonaa dhawaan.
S: Wasiirka Khaarajigu wuxuu sheegay in aad danaha Umadda ku maqan tahay oo ay warbixin iyo talo kaa sugayaa, diyaar ma u tahay in aad talo iyo warbixin ku celiso Xukuumadda oo aad la kulanto?
J: Arrinta Somaliland u soo qabanay waa arrin aanu Bulshada si caam ah ugu bandhigayno, waa arrin aanu dalka iyo dadkaba u soo qabanay, wixii naga dhegaysanaya iyo wixii wax nala qabanaya tafaasiil in aanu siino diyaar baanu u nahay oo Xaflad wayn baanu u qabanaynaa shaacinteeda oo cid aanu odhanayno ciddaasi yaanay imanin ma jirto, cid waliba way iman kartaa oo ciddii danaynaysa arrimaha Somaliland ma Xukuumad ha noqoto ama cid kale ha noqotee diyaar baanu u nahay in aanu wax ku kordhino.
S: Dawladda Maraykanka ee aad la kulanteen dareen noocma ah bay ka qabaan baaqashada Doorashada, yayse u tirinayaan masuuliyaddeeda?
J: Hadda eedayn kama hadlayo oo imika ma jecli in aan cidna eedayn dusha ka saaro, taasi waa wax inoo gooni ah. Laakiin, waxaan kuu sheegayaa in Dawladda Maraykanku ay aad iyo aad u danaynayso mandaqaddan aynu ku nool nahay, geeddi-socodka Dimuqraadiyadda iyo in aanay mar kale Doorashadu dib u dhicin.
S: Isu-soo-baxan Dadweynaha ee aadka u ballaadhan ee lagugu soo dhawaynayay markay aragto, maadaama ay maantaba (shalay) xidhatay Jidka hormara Madaxtooyada, Xukuumaddu ma laga yaabaa inay carqaladayso Doorashada?
J: Dawladda waxaynu ugu baranay waynu ognahay, Doorashooyinkii intay dib u dhaceen aynu ogayn masuuliyaddeeda iyaga ayuun baa leh. Laakiin, sidii ballanka iyo Heshiisku ahaa ee dalalka iyo Caalamka ina taageera laysla wada gaadhay hadday ka baxayaan iyaga ayay jirtaa, balse waxaanu ku talo-galaynaa in Doorashadu waqtigeeda ku dhacdo, waynu sugaynaa. Guddida Doorashooyinka iyo Hay’adaha la shaqaynayaba waanu ku kalsoonahay, markaa dawladdu iyadu markii ay lumisay kalsoonidii Umadda, way isku dayaysaa sidii awalba dhaqanka u ahayd inay qaaddo tallaabo kasta oo waxyeellaynaya horumarka geedi-socodka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, taasna umadda iyo caalamkuba wuu u soo jeedaa. Hase ahaatee, fili mayno ee waxaanu filaynaa oo aanu ku xisaabtamaynaa oo aanu ku talo-galaynaa in ay Doorasho xor iyo xalaal ahi ay ka dhacdo dalka.
S: Xoghayaha arrimaha dibedda Kulmiye wuxuu sheegay in aad Maraykanka ka wada hadasheen sidii Somaliland Mudanayaal u dhaqdhaqaaqa qaddiyaddeeda ugu yeelan lahayd Baarlamaanka dalkaas, arrintaa faahfaahi?
J: Waxyaabaha aanu wadno ayay ka mid tahay..waxaanu qabnaa in waxyaabahani ay ka mid yihiin waxyaabaha ay Dawladdeenu ka gaabisay, xitaa gobollada qaarkood sida Puntland oo kale waxay ku leedahay qaar (Mudanayaal) u shaqeeya oo ay ku kharash-garayso danaheeda oo u soo jeeda. Markaa way jirtaa.
S: Socdaalkaagani muxuu faa’iido u ahaa Somaliland iyo KULMIYE ee uu u sidaa?
J: Faa’iidada u soo korodhay waa guul wayn oo Xisbiga iyo Qarankaba u soo hoyatay, waanu ku faraxsanahay oo waa guul wayn.
S: Guddoomiye, Xukuumaddu waxay Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Afrika u qaabilsan Baarlamaanka Maraykanka Donald Payne oo aad la kulanteen ay ku eedaysay in uu aaminsan yahay Soomaaliyweyn oo uu dalka ka horjeedo, idinkana uu Soomaaliweyn idinkala hadlayay, arrintaa sideed u aragtaa?
J: Donald Payne ciddii garanaysa ayaa garanaysee waa ninka qudha ee Koongareeska Maraykanka Somaliland yimi ee aad loo dhegaysto, waa ninka guddoomiyaha u ah dadka madow oo dhan ee Kongareeska u guddoomiyaha ah. Somaliland dhan kama aha oo anagaa soo wada hadalnay, cod iyo xumaan uu u hayaa ma jirto, waxaanan taa bedelkeeda odhan karaa waa nin taageersan Somaliland qaddiyadeeda iyo horumarkeeda, hormoodna ka ciyaaraya.
S: Guddoomiye, muddo badan baad siyaasadda ku soo jirtay, marka la eego taageerada ay dadweynuhu isugu soo baxeen soo-dhawayntaada, ma jirtaa taageero intaa le’eg oo aad Umadda ka heshay, maxaadse dareemaysaa?
J: Maanta waxaan dareemayaa farxad aad iyo aad u wayn, sidaad sheegtayna waxay soo-dhawayntaasi ka markhaati kacaysaa dareenka uu dadweynuhu qabo, taageerada uu Xisbiga u hayo iyo taageerada uu aniga ii hayo, aad iyo aadna waan u qiimaynayaa. Horeba waan ugu kalsoonaa in ay umaddaydu I taageersan tahay, halgan dheer baan u soo galay, taariikh badan baanu soo wada marnay, wax badan baa naga dhaxeeya. Berigii Madaxtooyada waad ogaydeen Doorashadii inta laygaga qaaday iyo siday ahaydba, markaa mar walba taageerada dadweynahayga kalsooni badan baan ku qabaa.

No comments:

Post a Comment