Saturday 6 February 2010

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa khamiistii xadhiga ka jaray waddo Laamay ah 20100206

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Hargaysa(Saraarnews) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa khamiistii xadhiga ka jaray waddo Laamay ah oo uu ka hirgeliyey dhimaheeda Xaafadda haaf London Degmada Axmed-Dhagax ee Magaaladda Hargeysa, taasoo uu ugu magac-daray Nimco-Sagal oo Illaahay ha u naxariistee ahayd Marxuumad uu Xildhibaanku dhalay.




Waddadaas oo ka baydha Garoonka Kubbadda Cagta ee Hargeysa Stadium, taasoo dhinaca koonfureed u kacda, isla markaana hormarta Guriga Xildhibaan Nacnac oo agagaarkaas ku yaalla, isagoo waddadaas furay intii lagu guda jiray toddobaadkii aynu soo dhaafnay.

Xildhibaan Nacnac oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doortay Hargeysa, waxa uu hadal kooban ka jeediyey munaasibaddii xadhig ka jarka waddadaas, waxaanu sheegay inuu waddadan kharashka ku baxay isagu bixiyey, wax yar oo ay shaqsiyaad fara ku tiris ahi ku darsadeen mooyaane.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Nacnac, in haddii ay dadweynaha reer Somaliland iskaashadaan guda iyo dibad-ba ay wax badan qabsan-laayeen, gaar ahaan dhinaca waddooyinka oo cabashadoodu dadka ku badan tahay iyaga oo burbursan awgood. Sidaa daraadeed, waxa uu soo jeediyey inay dadka qurba-joogga ah ee jeebkoodu ka buuran-yahay kuwa dalka gudihiisa jooga, ay ku dedaalaan sidii ay waddooyin tan oo kale ah iyo barnaamijyo lagu horumarinayo Caasimadda, Degmooyinka iyo Magaalooyinka waaweyn ee dalka ka soo qaybqaataan.

Md. Nacnac, waxa uu intaa ku daray inuu soo dhawaynayo qof kasta oo awooda inuu wax ku darsado waddada uu sameeyey oo weli qabyo ah. “Waxaan ugu baaqayaa Qurba-jooggu inay fadhiga ka kacaan oo ay iska kaashadaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarinta arrimaha bulshada, sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Waddooyinka iyo wixii la mid ah.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac).

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “ Annigu waddadan aan dhisay weli ma dhammaystirna ee waa qabyo, waanan soo dhawaynayaa qof kasta oo ka qaybqaadanaya kharashka ku baxaya gudo iyo dibad meeshii uu joogaba, gaar ahaan waxaan leeyahay Qurba-joogga naga soo caawiya dhammaystirka waddadaas oo wax badan bulshada u fududaynaysa.” Waxaanu xusay Xildhibaan Nacnac haddii aan lays-kaashan inaan horumar la gaadhi Karin.

Source: Hadhwanaagnews.com

No comments:

Post a Comment