Monday 8 February 2010

Komishanka Oo Yididiilo Ka Muujiyey Hawsha Server-Ka Iyo Kala Saraynta Mustawaha Xafiisyada Xisbiyada 20100208

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun



Komishanka Oo Yididiilo Ka Muujiyey Hawsha Server-Ka Iyo Kala Saraynta Mustawaha Xafiisyada Xisbiyada

Hargeysa(Golis)- Xarunta KomishankaDoorashooyinka Qaranka ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyeyba waxay ahayd mid ay albaabadu u xidhan yihiin oo ay adag tahay in ay dadku si sahlan u galaan marka laga reebo shaqaalaha xarunta laftooda iyo xubnaa komishanka doorashooyinka oo had iyo jeer amaba ugu yaraan maalinta gelinkeeda hore oo dhan ku sugan xafiisyada.
Inta badan saxaafada ayaan fursad u helin in ay xog rasmiya ka helaan waxa ay xaruntu ku hawlan tahay iyo shaqada gudeheeda ka socota toona. Shalay gelinkii hore ayaa sidii caadada ahayd xaruntu Komishanka Doorashooyinku waxay ahayd mid aanay suurtogal ahayn in ay saxaafadu gudeheeda ka war hesho waxa ka socda iyo shaqada ay hayaan xubnaha komishanka doorashooyinka iyo shaqaalaha kale ee xaruntaasi toona, hase yeeshee si aan fududayn waxa Wargeyska Saxansaxo ugu suurto gashay inuu ka war helo in ay xarunta ka socoto shaqo aad u muhiim ah oo ay dhinacyaa Doorashada ka qayb geli doona oo dhami sugayaan, taas oo ah dhinacyada doorashada ka qayb geli doona iyo shacabkuba sugayaan taas oo ah natiijadii diiwaangelinta doorashooyinka ee ku kaydasanayd Server-ka oo hore loo sheegay inay shirkad Ingiriis ahi ka hawlgeli doonto sidii loo sixi lahaa ee loo furdaamin lahaa khaladkii sababay inay doorashadu dib u dhacdo. Shirkada Ingiriiska ah ayaa waxa ay todobadii maalmood ee ugu dambeeyeyba gacanta ku haysay oo ay ku hawlanayd bixitaanka natiijada diiwaangelinta ee server-ka ku kaydsan, hase yeeshee may suurto gelin in uu wargeysku helo inaba wax tibaax ah oo la xidhiidha ilaa imika waxa uga soo baxay hawsha ay shirkadu gacanta ku hayso. Hase yeeshee, mar uu Wargeysku la xidhiidhay saraakiisha sarsare ee xarunta ee u dhuun daloola hawsha server-ka ee ay shirkadu gacanta ku hayso waxa uu ogaaday oo ay u sheegeen inay shaqadaasi u socoto si wanaagsan oo ay kalsoon yihiin oo ay ku dhamaan doonto sida ay rajaynayaan shacbiga iyo dhinacyada ay doorashadu qusaysaaba. Lama saadaalin karo waxa ay noqon doonto natiijadaasi, balse sida laga warqabo shirkada gacanta ku haysa sixitaanka natiijada diiwaangelinta doorashooyinka ee Ingiriiska ah ayaa waxay tahay shirkad muddo qarniyo ah hawshan oo kale ka soo shaqaynaysay isla makaana isla markaana ku guulaysatay sumcad sarena ku leh caalamka intiisa badan oo ay hawshan kale ka soo qabatay.





Si kastaba ha ahaatee, saddexda xisbi Qaran ee dalka ka jira ayaa iyaga qudhoodu waxay u kala dhaw yihiin yididiilada iyo yamuumta xarumohooda ka muuqata kuwo rajaynaya inay doorashada dalku qabsoomi doonto iyo kuwo aad moodo in aanay diyaar u ahayn amaba aanay dhaqdhaqaaqoodu ama hawl maalmeedkoodu ku salaysan yahay doorasho dhawaan dhici doonto.


Wargeyska Saxansaxo ayaa waxa uu u kuurgalay sida ay wakhtigan kala yihiin saddexda xarumood ee saddexda xisbi qaran ee dalku. Shalay gelinkii hore oo uu Wargeysku booqday xarunta xisbiga talada haya ee UDUB waxa uu halkaasi kula kulmay Guddoomiyaha guddiga siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac iyo Afar haween ah oo keliya iyada oo ay xafiisyada albaabada xarunta oo dhami ahaayeen kuwo dhamaantood xidhan oo aanay wax dhaqdhaqaaq ahi ka socon, afarta haween ah oo sida ka muuqatay kuwo xafiiska uga soo horeeyey guddoomiyaha guddiga siyaasada laftiisa ayaa waxay ku xoonsanaayeen baabuur uu markaasi ka degayay Cumar Jaamac oo ah guddoomiyaha guddiga siyaasada ee xisbiga UDUB.



Halka xarunta xisbiga UCID ay ahayd xarun ay shaqo ka socoto oo ay ku kulansan yihiin masuuliyiinta iyo madaxda magaca leh ee la yaqaano ee isbigaasi oo ay ka maqnaayeen keliya labada murashax ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ee xisbigaasi.





Xubnaha xisbigaasi oo uu guddoominayey guddoomiye kuxigeenka koowaad ahna kusimaha guddoomiyaha Aadan Maxamed Mire (Waqaf), waxa markaa wargeysku uu booqday ku jireen shir ballaadhan oo ay madaxdu ku dhamayd oo ay kaga wada xaajoonayeen sida uu marka dambe Wargeysku tibaax ku helay soo dhawaynta Guddoomiyaha xisbigaasi oo ay filayaan inuu todobaadka soo socda dalka dib ugu soo laabto.





Dhinaca kalena xisbiga UCID, waxa jirta xarun labaad oo uu leeyahay oo ah xarunta rasmiga ah taas qudheeda ayaa iyaduna waxay ahayd mid ay ku sugnaayeen shaqaalihii xafiisyada xisbigu oo iyaguna sidii caadiga ahayd hawl maalmeedkii caadiga ahaa wata.





Xarunta Xisbiga Kulmiye ayaa iyadu waxa ay ka saraysay amaba ay
u muuqatay mid ka abaabulan labada xisbi ee kale, waxaanad moodaysay
tirada baabuurta iyo masuuliyiinta madaxda iyo dadka muuqaalka leh ee
ku sugnaa in ay tahay dhamaan xarumihii Wasaaradaha dalka oo meel
keliya la isugu keenay, waxay ahayd xarun aad u mashquulsan oo uu
Guddoomiyehooduna dhex fadhiyo, kuxigeenadiisa iyo masuuliyiinta kale
ee xilka ugu hooseeyaana ay dhamaantood xafiisyadooda ku sugan yihiin
kuna hawlanaayeen hawl maalmeedka caadiga ah ee uu xisbigaasi leeyahay oo aan la filanaynin in ay jiriba karaan shaqo sidaasi oo kale ah oo ay xisbiyada xiligan gacanta ku hayaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa
laga joogaa 95 maalmood maalintii Madaxweynaha iyo Madaxweyne
kuxigeenka ay kaga buuxday muddadii xilka madaxtinimada dalka ee ay
hore Golaha Guurtidu u kordhiyeen iyada oo sannad iyo badh ka horna uu
ka dhamaa wakhtigii loo doortay inay xafiisyadaasi sii fadhiyaan. Waxa
la filayey inay badhtamihii bishii sagaalaad ee sannadkii hore dalka
ka qabsoonto doorashada madaxtinimaa dalku, nasiib daro se taasi ma ay
dhicin, waxaana loo aaneeyey oo sabab looga dhigay dib u dhaca
doorashada ku yimid natiijada diiwaangelinta ee ay haatan shirkada
Ingiriisku gacanta ku hayso.





Lix qodob oo ay Deeqbixiyeyaasha ee kaalmeeya Doorashooyinka iyo hirgelinta dimuqraadiyada Somaliland ku taliyeen ayaa ahaa kuwii soo afjaray khilaaf cirka isku shareeray sanadkii hore badhtamihiisii ka dhashay dib u dhaca doorashada oo ay ku qanci waayeen xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada lafteeda oo ku adkaysanaysay inay iyada lafteedu diyaar u tahay inay dalka Doorasho ka dhacdo.





Hase yeeshee, aakhirkii isugu ururtay in Komishankii Doorashooyinka ee dalku ahaa mid ku fashilmay inay dalka doorasho ka dhacdo taasina keentay in dalka loo sameeyo Komishan doorasho oo cusub, kaas oo haatan isha lagu hayo sida uu uga bixi doono xujada hortaala ee ay dalka iyo dadkuba liibaanayaan.


Golisnews Desk
Hargeysa, SOmaliland

No comments:

Post a Comment