Thursday 4 February 2010

82-ka Mudane ee golaha guurtida Soomaaliland oo Isku Calool xaadhay Xaflad Qado sharaf ah oo uu u sameeyay gudoomiye ku xigeen kooda koowaad 20100204


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

82-ka Mudane ee golaha guurtida Soomaaliland oo Isku Calool xaadhay Xaflad Qado sharaf ah oo uu u sameeyay gudoomiye ku xigeen kooda koowaad

Hargeysa (Ramaas) Feb. 04, 2010 - Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida somaliland ayaa maanta qaddo sharaf huteelka xaraf ee magaaladda Hargeisa ugu sameeyay 82-ka xildhibaan e golahaasi ka koobanyahay.
Xafladii qaddo sharafta ahayd ka dib hadal kooban oo uu ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka koowaad Md. Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre waxa uu yidhi “ Maanta waxaan golaha iskugu yeedhay dadku waa kuwii inagu sheekaysanayee bal inay yidhaahdaan imika nimankii waxbay wadda cunayaan(guurtida), oo nimankii colba maahee, oo sidaynu moodaynayba maaha, ha layidhaahdo ayaan is leeyahay”
“Hadalka iyo waxii wax isku sheeg ahna golaheenii ayanu la tagi haddi Alle yidhaahdo. Barigii aynu xereta ahaan jirnay waxa la odhan jiray labadda kitaab wadda akhrisatay waa laba naas wadda jaqday oo kale, dadka labadii isku gole ahiba waa walaalo ee wadda shaqaysaa.” Ayuu yidhi sh. Furre
Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladii qado sharafta ahayd wuxuu aad ugu mahadnaqay gudoomiye ku xigeenkiisa oo si shakhsi ah kaligii u marti qaaday golaha oo dhan, isagoo arintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi” Sheekhu wuu ku mahadsanayahy haddii uu maanta iskugu keen yeedhay, oo uu yidhi waar baryahan inaynu isku mid nahayba waad ilowdeen, haduu yidhi aad iyo aad ayuu markale ugu mahadsanyah, wixii talo iyo wax isku sheeg ahna sidii sheekhu u sheegay golaheeni ayaynu la tagaynaa”
Dhinaca kale, Xaaji Cabdi Xuseen Xaaji Cabdi Waraabe iyo mudane Cabdil aahi Ibrahim xirsi(Dhugad), oo labaduba ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida ayaa uga mahadnaqay gudoomiye ku xigeen ka kowaad casuumadda uu u sameeyay.
Labadaas xildhibaan waxay sheegeen in la soo gaba gabeeyay khilaafaadkii ka jiray golaha, waxaanay xuseen in goluhu u midaysanyahay gudashada waajibaadka shaqadda.

Ramaasnews Desk
Hargeisa

No comments:

Post a Comment