Friday 5 February 2010

Wararkii ugu dambeeyey

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo La Filaayo Inuu Todobaadkani Yimaado Magaalada Birmingham, UK



Birmingham (Golisnews.com)-- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay wehelinayaan safiiradda Somaliland u fadhiya dalalka ingiriiska iyo Ireland ayaa lagu wadaa in badhmtaha todobaadka soo socda ay kaga qayb gallaan magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka boqortooyada ingiriiska shirweyne caalami ah oo lagu wado inuu ka soo qayb gallo xogayaha arrimaha dibadda Britain David Miliband iyo Hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka David Cameroon.


Safarka M/weyne ku xigeenka oo aanay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham iyo guud ahaan warbaahintu aanay waxba kala soconin ayaa hadal hayntiisu wuxuu ka soo baxay ilo diblomaasyadeedyo ku dhaw madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadda ku sugan magaalada Paris ee xarunta dalka faransiiska.


Shirweynahani caalamiga ah ee la filaayo inuu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ka qayb gallo ayaa sidoo kale waxaa iman doonta diblomaasiyiin iyo safiiro ka tirsan midawga yurub, dalalka xubnaha ka ah ururka barwaaqo sooranka (common wealth) iyo weliba diblomasiyiin ka socda dalalka waqooyiga iyo koonfurta amerika.


Sida warar lagu kalsoonyahay ay u xaqiijinayaan shabakadda Golisnews waxay wefdiga Madaxweyne ku xigeenku ku soo degi doonaan hotel ku yaalla badhtamaha magaalada Birmingham mana cadda in ay wax kulano ah la yeelan doonaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham oo bilahii ugu danbaysay si tallan taali ah usoo dhawaynaysay hogaamiyayaasha siyaasadda Somaliland.


wixii warar ah ee arrintani ka soo kordha waxaa idinla socodsiin doona xarunta warqabadka golisnews ee West Midlands la soco





Golisnews, Birmingham


info@golisnews.com

No comments:

Post a Comment