Sunday 7 February 2010

Shirgudoonka Guurtida oo Daboolka Ka Qaaday Xiliga ay Soo Afjarayaan Khilaafkoodii


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uunShirgudoonka Guurtida oo Daboolka Ka Qaaday Xiliga ay Soo Afjarayaan Khilaafkoodii
“Ilmaadeerayaaloow Haddii Aydaan Midoobayn Waxaad Na Tidhaahdaan Sadex Kale Keena”Md. Dheeg
Hargeysa(Ramaas) Feb.07, 2010 - Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in shirgudoonka Guurtidu ay si rasmi ah u soo afjari doonaan khilaafka dhexdooda isla markaana ay wixii ay xal u arkaan Golaha horkeeni doonaan Arbacada fooda inagu soo haysa.
Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi kooban oo maanta Goluhu yeeshay waxaanu Xildhibaanada u jeediyay hadal kooban waxaanu yidhi“Wixii dhibaatooyin ah ee dhex yaalay golaha waxaad moodaa in Goluhu Anaga (Shirgudoonka) nagu soo riixay waxaan ka odhanayaa mar haddii aad leedihiin idinkiiba is hayee xal noo keena waxaan ka idhaahdaa ma jiraan. Haddii aanu eedaysaneyaal noqonay waa inaanu anagu xalkii keenaa.”
“Mudadaba Arrintani way jiitameysay kolay shan todobaad way tahay sadex aan joogay iyo laba aan maqnaaba, waxaan leeyahay wixii aanu xal u aragno waxaanu isla qaadanay inaanu u gondo degno. Taayada (Shirgudoonka) ta golaha ayaa ka weyn in kasta oo aad iska soo dudeen haddana Goluhu waa qeybsan yahay markaa waxaan odhan lahaa ducaysanay oo wax wada cunay kuna faataxasanay.”

Guddoomiyaha golaha Guurtida oo ka hadlayay xeerka xakamaynta Hubka fudud ee golaha horyaala waxaanu yidhi “Xeerka xakamaynta hubka fudud waanagii sabtidii idiin qeybinay sidii caadadu ahaan jirtay xeerka maanta laga bilaabo 48 saacadood ku soo darsa. Anaguna 48 kaasi saacadood arrinta khilaafka waa inaanu ka keenaa wixii xal ah Isniinta iyo Salaasada waynu kala maqnaanaynaa oo Arbacada ayaynu isku imanaynaa. Goluhuna hawshiisa ha wato Anaguna Shirgudoonka waa inaanu wixii aad na farteen aanu galnaa oo keenaa.”
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo isaguna la oogsaday oo ku dhawaaqay hadalkan “Waxaanu ku cel celinay waar khilaaf kale nama hayo sadexdiinaasi haddii aad soo midowdaan goluhuna wuu midoobayaa.ilmaadeerayaaloow haddii aydaan midoobayn waxaad na tidhaahdaan sadex kale keena.golahaanan soo dhex fadhiisanaynaa. Khilaafka Golahaa ka weyne iyaanu inaga burburin.”

Ramaasnews Desk
Hargeisa

No comments:

Post a Comment