Saturday 6 February 2010

MUDAHARAAD KA DHACAY MAGAALADA LAASCAANOOD OO AY ARDAY IYO DUMAR DHIGEEN

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uunMUDAHARAAD KA DHACAY MAGAALADA LAASCAANOOD OO AY ARDAY IYO DUMAR DHIGEEN



Magaalada Laascaanood ayaa saaka ku waabariisatey Mudaharaado ay samaynayaan Dad u badan Caruur iyo Dumar kaasi oo looga soo horjeedo sida ay warar lagu kalsoonyahay xaqiijinayaan Macalimiin Xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay ka dhecayeen gudaha Magaalada Laascaanood qaraxyo beryihii ugu dambeeyey kuwaas Masuulyiin lagu Kharajiyay .

Banaanbaxan oo ahaa Mid aan sababin wax dhimasho ah lakiin watey rasbshado shiid iyo dhagax tuur ah ayaa ka dhacay intiisa badan badhtanka Magaalada Laascanood ee Xarunta Gobolka sool halkaasi oo ay isa soo dhoobeen arday iyo Haween Ciidamada Booliska ayaa Sugayay Amaanka Iyaga oo dadka Ka horjoogsanayay in ay ku kacaan wax falal amaan xumo keeni kara iyada oo mar mar la maqlaayay rasaas ay Kor u ridayeen Ciidamadu si ay u kala kaxeeyaan Caruurtan iyo dumarkan.

Dhanka kale waxaa saaka Gaadhi ay leeyihiin Ciidamada Nabadgelayda ee Booliiska uu jiidhay goob ganacsi oo ku taala Goolada laamiga ee magaalada laascaanood, halkaas oo uu ku nafwaayay nin Oday ah oo deegaanka ah laguna magacaabo C/laahi Maxamuud Dhagaqool oo goobta fadhiyay sidoo kale waxa uu dhaawac ka soo gaadhay shan nin oo Boolis ah.

Warqabadka ToggaHerer
Hargeisa
Somaliland

No comments:

Post a Comment