Saturday 6 February 2010

Abaaro ba’an oo soo food-saaray guud ahaan gobollada Somaliland iyo baaqa Xukuumadda ee Caalamka

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Abaaro ba’an oo soo food-saaray guud ahaan gobollada Somaliland iyo baaqa Xukuumadda ee Caalamka





Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta qaylo-dhaan abaareed u dirtay Beesha Caalamka, waxaanay sheegtay in guud ahaan gobollada Somaliland ay soo food-saartay abaar ba’an.



Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Cali Ibraahim Maxamed iyo Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka Maxamed Muuse Cawaale oo maanta si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Xafiiska Wasaaradda Qorshaynta, ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dalka soo food-saartay Abaar ba’an oo saamaysay dalka oo dhan. “Dalka waxa ka jira Abaaro dalka oo dhan saamaysay, haba lagu sii kala badnaado gobollada’e, waxaana sababay Roobabkii Gu’ga iyo Deyrta oo yaraaday. Gobollada bariga Somaliland ee Togdheer, Sool iyo Sanaag kama di’in wax Roob ahi, taasina waxay keentay inay noqdaan goobo abaaraha ka jiraan.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Qorshaynta Cali Ibraahim Maxamed oo ka hadlay Shirkaa Jaraa’id. Waxaanu sheegay in deegaannada Hawdka Hargeysa iyo Burco ay ugu daran yihiin abaarahan.

Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD Maxamed Muuse Cawaale oo isna sheegay in abaartan loo magac bixiyay SIMA. “Sababtoo ah, dalka oo dhan way sintay, waanay wada saamaysay.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Muse. Waxaanu ka digay in haddii aan Roobku dalka ka di’in bishan April ay nolosha dadka iyo Xooluhuba halis ku jiraan.

Masuuliyiintani waxay Beesha Caalamka, Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa Caalamiga ah iyo Ganacsatadaba ugu baaqeen in ay gargaar degdeg ah la gaadhaan dadyowga abaartu saamaysay.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com






Somaliland.Org

No comments:

Post a Comment