Saturday 6 February 2010

Nin U dhashay Imaaraadka Carabta Oo Saddex Neef Oo Geel ah ku iibsaday $6.5 Million20100206

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Nin U dhashay Imaaraadka Carabta Oo Saddex Neef Oo Geel ah ku iibsaday $6.5 Million



Hargeisa(Ramaas) Feb.06, 2010 - Nin Carab ah, oo kamid ah raga ku tartama Awrta Ee Imaaraadka ayaa la sheegay inuu saddex neef oo geel ah ku iibsaday lacag gaadhaysa $6.5 Million amma (£4 million), Meel lagu Qabto Tartanka Geella ee duleedka Magaaladda Abu Dabi.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay, Xamdaan Binu Qanim al-Falaaxi ayaa mid kamid ah Awrta uu iibsaday laga siiyay $2.7 Million, Tartankii loogu magac daray Dafrah oo lagu qabtay Magaaladaas. Tartanka oo la qabto Sanad walba, waxa uu socdaa Hal Todobaad, waxaana lagu soo bandhigaa Quruxda Geella, Hilibkiisa iyo Caanihiisaba.
Tartanka Awrta ayaa ah mid aad Caan uga ah dalalka Imaaraadka Carabta, oo dad badan u aamin sanyihiin inuu yahay Ciyaarta Wadanka.
Tartan kan waxa ku jira, qayb loogu magac daray “ Jabal Mazayeen” oo dadka lagu tartansiiyo quruxda geela.
Sanadkii Ina dhaafay waxa Dhaqaalaha Dubai ku yimi hoos u dhac aad u sareeya, oo ay Dubai ku gashay dayn badan. Hase ahaatee wax la sheegayaa in dib loo soo celiyay dhaqaalihii wadanka.
Ramaasnews Desk
Hargeisa

No comments:

Post a Comment