Thursday 4 February 2010

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha oo Diiday Inuu u Hoggaansamo Dastuurka Somaliland 20100204

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha oo Diiday Inuu u Hoggaansamo Dastuurka Somaliland





Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qoraal canaan iyo digniin culus xambaarsan u diray Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, isla markaana dalbay inuu golaha yimaad maalinta Sabtida ee soo socota, kadib markii sida la sheegay uu ka dhego-adaygay qoraallo ay dhawr jeer hore u direen guddi-hoosaadka dhaqaalaha wakiillada si ay wax uga weydiiyaan arrimo la xidhiidha cashuuro wasaaraddiisu ka qaado dhoofka xoolaha nool.

Qoraalka Md. Cirro u diray Dr. Idiris oo ku taariikhaysan 1 January 2010, kuna beegan Axaddii toddobaadkan ka hor intii aannu guddoomiyuhu u ambabixin socdaal uu ugu kicitimay dalka Sweden oo uu kaga qaybgelayo shir caalami ah, waxa uu Wasiirka Xannaanada Xoolaha ku adkeeyey inuu Sabtida foodda innagu soo hayso hortago Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada si uu tafaasiil uga bixiyo lacago aan sharci ahayn oo wasaaraddiisu ka qaado xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera, isla markaana masuuliyadooda hore wasaaradda maaliyaddu hore isaga fogaysay.

Qoraal guddida dhaqaaluhu 30 January 2010 ku socodsiiyeen Guddoomiyaha Wakiillada oo Jamhuuriya helay nuqul ka mid ah, ayaa lagu sheegay in wasiirka xannaanadda xooluhu diiday inuu u hoggaansamo dastuurka Somaliland, kadib markuu si badheedh ah u diiday inuu horyimaad guddida dhaqaalaha sida uu waajibinayo qodobka 53aad ee dastuurka qaranku.

Qoraalka guddida dhaqaaluhu u gudbiyeen guddoomiyaha Golaha waxa uu u qornaa sidan; “

“Ku: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Ujeeddo: Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo Diiday inuu u hoggaansamo Distuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye, waxaan suurtogalayn hawlgudashada guddida haddii aan hawlwadeennada xukuumaddu ku dhaqmayn Distoorka Qaranka.

Waxa Guddoomiye, qoraallo iyo xidhiidho badan oo aannu la sameynay Wasiirka Xannaanada Xoolaha, taas oo keentay in Wasiirku si cad oo badheedha u diiday inuu guddida horyimaaddo, si guddidu u waydiiso xogta ku saabsan takaaliifta iyo lacagta laga qaado xoolaha dhoofaya, taas oo sababtay cuno-qabatayn iyo takoor ganacsatada dhexdooda ah, iyadoo xaqii ganacsiga xooluhu gacanta u galay cid gaara ah amma kooto (Monopoly).

Haddaba, Guddoomiye arrinka Wasiirka iyo xogta ganacsiguba waxay ku xidhan tahay tallaabada Goluhu ka qaado.”

Hadaba markii Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) arkay warqadda guddida dhaqaalaha, waxa uu wasiirka xannaanadda xoolaha u diray qoraal uu ku xasuusinayo in masuulkasta oo marka loo yeedho Golaha horiman waayaa uu ka baydhay haybada iyo hannaanka dawladnimo, isla markaana uu si caddaan ah u baalmaray dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal, isaga oo wasiirka ka dalbaday inuu guddida horyimaado maalinta Sabtida ee taarikhdu tahay 6 February 2010.

Warqadda canaanta iyo digniinaha is-huwan ah ee Guddoomiye Cirro u qoray wasiirka, ayaa sida qoraalka ka muuqata ka dambaysay qoraal guddiga dhaqaalaha ee Wakiilladu guddoomiyahooda kaga codsadeen 30 Janu 2010 inuu Dr. Idiris ku amro inuu horyimaad, kadib markii uu dhegaha ka furaystay inuu u hoggaansamo ilaa shan qoraal oo guddi-hoosaadka dhaqaaluhu kaga codsadeen inuu horyimaad si ay wax uga weydiiyaan lacago aan qaadisteedu ansaxsanayn, isla markaana ku jirin miisaaniyadda dawladda oo Wasaaradda Xannaanada Xooluhu ka qaaddo xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera.

Qoraalka Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu si kulul ugu canaantay Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay shalay, waxa uu ku wargeliyey wasiirka hadduu ka baaqsado inuu guddiga dhaqaalaha hortago Sabtida in Golaha Wakiilladu ka qaadi doono tallaabada ku habboon ee sharciga ah, waxaannu dalbay inuu u hoggaansamo shuruucda dalka u yaal.

Qoraalka Guddoomiyaha Wakiilladu u qoray wasiirka waxa uu u dhignaa sidan; ““Mudane Wasiir, aniga oo tixraacaya warqadda tirsigeedu yahay GW/G/19/18/2010, kuna taariikhaysan 30/01/2010, taas oo guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu iigu soo wargeliyeen in aad ka baaqsatay kulamo shaqo oo guddidu kuugu yeedhay. Qoraalladaas oo dhammaantood ogaysiin ay guddidu hore ii siisay oo aan ka warqabay.

Haddaba, sida ku cad dastuurka qaranka qodobkiisa 53aad, farqadihiisa 6aad iyo 7aad oo qeexaya in golaha iyo guddiyada goluhuba ay awood dastuuriya u leeyihiin inay u yeedhaan masuuliyiinta qaranka si ay wax uga waydiiyaan hawshalaha ay qaranka u hayaan.

Masuul kasta oo golaha hor ima waaya marka uu goluhu amma guddi u yeedho waxa uu si caddaana u baalmaray dastuurka iyo shuruucda qaranka u degsan, waxaannu ka baydhay haybadii iyo hannaankii dawladnimo, taas oo ay ka dhalanayso qawaaniin hor leh.

Sidaa darteed, waxaan kugu wargelinayaa in aad ka soo qaybgashid kulanka shaqo ee guddidu kaa dalbatay maalinta Sabtida 06/02/2010, 9:39am, si ummadda loogu wada adeego qaranka loogu shaqeeyo.”

Dastuurka Somaliland oo dadweynuhu 31 May 2001 ku ansixiyeen 97%, ayaa waajibinaya in Golaha Wakiiladda iyo guddiyada Goluhu u yeedhi karaan wasiiradda ama madaxda dawladda si wax looga weydiiyo gudashadda xilkooda, iyada oo masuulkii arrintaa didaana jabinayo qodob dastuuri ah oo uu ku mutaysan karo maamuus ka xayuubin iyo in maxkamad la soo taago sida ku cad qodobka 96aad ee dastuurka.

Qodobka 53aad ee dastuurka qaranka ee ka hadlaya awoodaha iyo waajibaadka Golaha Wakiilladu, isla markaana awood u siinaya inay u yeedhi karaan masuuliyiinta dawladda, waxa uu u qoran yahay sidan;

“1. Waxa waajib ah inuu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay’adaha Dawladda, iyadoo la raacayo Dastuurka.

2. Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax -ka¬sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.

3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo¬saarid ama wax-ka beddelid qaanuun.

4. Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta.

5. Ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun deg-deg ah, waxa Golaha Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole (Golaha Wakiilada & Golaha Guuritda) oggolaansho.

6. Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay inuu u yeedho Xukuumadda ama hay’adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.

7. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay’adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.”

Masuuliyiinta dawladda iyo xukuumadda talladda haysaa hadii ay u hoggaansami waayaan qodobka 53aad ee dastuurka iyo 7-da farqadood ee uu ka kooban yahay, waxay mutaysan karaan in lagu qaado qodobka 96aad ee dastuurka oo ka hadlaya eedaaynta iyo maamuus-ka-xayuubinta madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka iyo wasiiradda.

“1. Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha lagu soo oogo dembiyada kala ah:¬

b. Khiyaamo Qaran (High Treason) ama

t. Ku xad gudubka Dastuurka.

Waxa ku soo oogi kara madaxweynaha ama/iyo madaxweyne-ku-xigeenka dambiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiilada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wakiiladuna waxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood iyo mid ah {Absolute Majority).

2. Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madax¬bannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.

3. Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca. Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.

4. Haddii Xeer-ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen dembi ka mid ah dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa warbixinta eedda uu Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.

5. Waxa eedda Ia xidhiidha Wasiirada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice), Maxkamadaas oo ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole waliba soo doorto laba xubnood.”

Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya

No comments:

Post a Comment