Saturday 6 February 2010

xisbiga UDUB oo tageeradiisu hoos u sii socoto 20100206

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Caynaba(Saraarnews) Wefti uu hogaaminayo Xoghaya Guud ee Xisibga UDUB Jaamac Yaasin Faarax oo baryahanba olole sharci darro ah ka waday guud ahaan gobolada ayaa maanta ku sugan magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar, Iyadoo aan wali la gaadhin wakhtigii sharcig


a ahaa ee komishanka doorashooyinku fasixi lahaa ololaha doorashooyinka.

Weftiga Xisibiga UDUB oo socdaal kusoo maray gobolo iyo degmooyin badan oo dalka kamid ah ayaan ilaa iyo hadda la kulmin wax soo dhoweyn ah taasina waa sababta keentay in warbaahinta dawladu biisho oo isugu jira TV-ga UDUB iyo mareegaha internetku ay ka aamusaan.

Sidoo kale waxay wararka ay shabakada Saraarnews.com ka helayso magaalada Caynabo sheegayaan in masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB ay qorshaynayaan sidii ay ugu rari lahaayeen magaalada Caynaba xarunta dhexe ee Xisbiga UDUB.

Xisbiga UDUB oo aan markii horeba rajo fiican ka qabin rabitaanka dadweynaha ayaa quus weyn iska taagay todobaadkii hore markii shacbi weynaha Hargaysa iyo Burco si aan hore loo arag isugu soo baxeen soo dhoweynta gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj: Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo)

No comments:

Post a Comment